Sawirro: 257 qof oo ku nafweyday shil diyaarad milateri oo ku dhacday Aljeeriya

Kismaayo (Caasimadda Online) – Dadka ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka Algeria ayay tiradooda gaartay illaa 257 qof , sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dalkaasi.

Diyaaradda waxa ay ahayd mid militari, waxayna soo dhacday kaddib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha millitariga ay leeyihiin oo lagu magacaabo Boufarik oo ku yaallo galbeedka magaalada caasimaadda ah ee Algiers.

Weli waxaa socda baaritanno, madaxweynaha Algeria Cabdelcaziz Bouteflika ayaa waxaa uu ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroordiiq ah.

Inta badan dadka ku dhintay shilkan diyuuradeed ayaa waxay yihiin ciidan millitari iyo qooysaskooda, 10 qof rakaab ahaa ayaa sido kale ku geeriyooday shilka, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee dalkaasi.

Mid kamid ah xubin sare oo ka tirsan xisbiga talada haya ee dalka Aljeeriya ayaa waxaa uu ka dhawaajiyay in 26 kamid ah xubnaha taabacsan kooxo gooni-u goosadka inay kamid ahaayeen dadka ku dhintay shilka.

Diyaaraddan Ilyushin Il-76 ayaa waxay kusii jeeday magaalada Bechar koonfur galbeed dalka Aljeriya,Diyaaradda ayaa la qorsheeyay inay ku degto magalaada Tinouf oo ku taallo xadka Morocco iyo deegaanka xadka lagu muransan yahay ee western Sahara.

An Algerian military plane is seen after crashing near an airport outside the capital Algiers, Algeria April 11, 2018 REUTERS/Ramzi Boudina