Akhriso: Qoraal rasmi ah oo dowladda ugu hadashay lacagta malaayiinka dollar ee lagu qabtay garoonka Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online)- Qoraal kasoo baxay wasaaradda amniga gudaha ayaa looga hadlay in ciidamada sirdoonka iyo nabadsugida qaranka ay garoonka diyaaraddaha Muqdisho ku qabteen lacag malaayiin dollar oo gaaraysa $9.6 Milyan.

Wasaaradda amniga ayaa magac dhabin meesha ay ku socotay iyo cidda laheyd lacagtaasi  kuna cabeysneyd 3 boorso oo aan calaamadeysnayn.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ay jiraan dowladdo xiriir la leh Somalia oo taakuleeya, dowladda federaalka iyo laamaha kala duwan, balse taakuleynta dhaqaale ee dowladda loo soo maro habraac waafaqsan sharuucda dalka iyo kuwa caalamiga ee la xiriira isu-gudbinta lacagaha.

Hadalkaasi ayaa wuxuu muujinayaa in dowladda Imaaraadka Carabta ay lacagtaani saxaafaradeeda ku socotay.