Maxaa ka jira in si KMG ah loo xanibay dhaqaalaha ay Bankiga ka qaadan jireen mas’uuliyiin dhowr ah?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida laga soo xigtay howlwadeeno ka tirsan Bankiga Dhexe ee dalka, waxaa la hakiyay dhammaan dhaqaalihii ay la bixi jireen mas’uuliyiinta dowlada.

Wararku waxa ay sheegayaan in amarka lagu hakiyay dhaqaalahaasi uu bixiyay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre.

Lacagaha sida KMG ah looga hakiyay mas’uuliyiinta ayaa la sheegay inay sii socon doonto inta uu taagan yahay khilaafka baarlamaanka Somalia ee muranka dhaliyay.

Mas’uuliyiinta laga xanibay dhaqaalaha ayaa waxaa ku jira Wasiiro, waxaana sababta lagu sheegay in la bixitaankooda ay saameyn ku yeelankarto la socosho la’aan ku timaada Hantida Qaranka, maadaama uu dalka ku jiro xaalad cakiran.

Sidoo kale, lacagaha la xanibay ayaa waxaa ku jira kuwo xili sii horeysay loo fasaxay tirro mas’uuliyiin ah kuwaa oo ku tayeen lahaa Wasaaradaha ay ku magacaaban yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Farmaajo ayaa culeyska saareysa ka dhowrsanaanta Musuq-maasuq ku yimaada Hantida Qaranka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com