Somalia oo noqotay goob ay dowladaha dariska ah ku tijaabistaan hubka ka dhasha nabaad guurka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaray deegaanada dhaca xadka ay Somalia la wadaagto dalka Kenya ayaa sheegaya in laga cabsi qabo in halkaa uu ka dhaca nabaad guur.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada cirka Kenya ay dhulalka howdka ah ee Somalia ku tijaabistaan Hub casri ah oo dhawaan ay soo iibsatay Kenya.

Waxa ay sheegen in Hubkaan cusub uu ka duwan yahay kuwii hore, hase ahaatee ay baqdin ka qabaan in Hubka noocaas ah uu ka dhasho Nabaad guur ku imaada dadka iyo dhulka.

Maxamuud C/llahi Cali oo kamid ah Saraakiisha ciidamada dowlada ee ku sugan Xadka ayaa sheegay in Kenya ay kasii talaabeyso xeerka darisnimo.

Waxa uu sheegay in deegaano dhowr ah oo ku yaala xadka ay ku tijabiyaan Hub cusub oo aan horay loo arag, waxa uuna intaa raaciyay in dhulka lagu tijaabiyo Hubka uu noqonaayo Nabaad guur dadka iyo dhirta.

Waxa uu intaa ku daray xitaa in ciidamada Ethiopia ay Hubka noocaas ah ku tijaabiyaan xiliyada Habeenkii dhul duleedka ka ah Gobolka Gedo.

Waxa uu tilmaamay in Kenya iyo Ethiopia ay ka siman yihiin cadaawada dalka iyo dadka, waxa uuse xili hore ku baaqay in laga hortago.

Dhinaca kale, qorshaha laga leeyahay ayuu sheegay Sarkaalkaan inuu ahaa in Somalia laga dhigo dhul uu ku dhacay Nabaad guur, waxa uuna ficil ugu baaqay Madaxda ugu sareysa dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com