Boqoradda Ingiriiska Elizabeth oo ku abtirsata durriyaddii Aalu Beytka Rasuulka CSW

Muftigii hore ee dalka Masar Sheekh Cali Jumca ayaa barnaamijkiisa ” Allaahu Aclam) ee ka baxa TV-ga CBC ee dalka Masar, waxa uu ku sheegay labo xalqadood oo ka mid ah in boqorodda Ingiriiska Elizabeth, uu Awoowaheed ahaa nin Muslim ah oo ku abtirsada Durriyada Nabi Maxamed, naxariisi korkiisa ha ahaatee .

Si la mid ah hadalka Sheekh Jumca, Wargeyska Al-asbuuc ee ka soo baxa dalka Marooko aya cadadkiisii 968aad, kuna taariikheysnaa Khamiis 22kii Feb 2018, waxaa lagu sheegay in ay dhiig wadaag yihiin Boqorka Dalkas Morooko iyo Boqoradda Ingiriiska Elizabeth.

Buugga “Noble class” oo lagu keydiyey abtirsiinyaha Boqortooyada Ingiriiska ayaa isuguna qeexaya in dhiigga Carbeed ee ku milmay Boqortooyada uu asal ahaan ka soo jeedo qooysaskii Khilaafada Muslimiinta ee boqolaalka sano ka talinayey Andulus.

Abtirsiinyaha la sheegay in ay boqoraddu ka gasho durriyadda Faadumo Rasuul (RDC) ayaa ka bilowda Amiirad lagu magacaabi jiray Zaida oo markii laga soo saaray Muslimiinta Andulus, guursatay Boqor Olfonso kaddib markii ay diinta ka baxday, magaceedana u badalatay Isabella.

Zaida ayaa ku abtirsata reer Cubaad oo ah qoys Umawiyiin ah, inkastoo muran uu ka jiro habka ay ku gashay qoyskan, Haddana waxaan la diidi karin in isdhex gal guur uu sababay in ay isku milmaan Umawiyiinta iyo Haashimiyiinta oo ku abtirsada durriyadda Rasuulka.

Sawirkan waa abtirisiinyaha Boqortooyada ee ay sheegeen in ay yihiin Dhasii Faadumo Rasuul ( RDC).