Somaliland oo digniin amar adag kasoo saartay dhaqaatiirta ajnabiga ee ka howlgala deegaanadeeda

Hargeysa (Caasimadda Online)- Guddoomiyaha Komishanka mihnadlayaasha caafimaadka Somaliland Dr. Axmed Xaashi Oday, ayaa sheegay inay xooga saarayaan labada bilood ee food inagu soo haya inay dalka ka saaraan dhakhaatiirta ajaanibka ah ee aan soo marin mihnadlayaasha caasimaadka si loo hubiyo aqoonta uu u leeyahay caafimaadka.

Waxa uu guddoomiye Axmed Xaashi Oday sheegay in aanay Somaliland noqonayn dal aan cidi lahayn isla markaasna ay cisbitaalada iyo shaqaalaha ajaanibka ahba ku dhaqi doonaan shuruucda dalka, waxaanu sidan ku sheegay waraysi uu siiyay tilifishanka Eryal.

Waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Bishan iyo bisha danbe dabayaaqadeeda in aan qof ajaanib ah oo meel ka shaqayn kara oo ruqsada NHP aan sidan aanu jirin doonin oo aanu musaafirin doono, kuwa imaanayana waa la joojinayaa oo laanta socdaalka ayaanu wada hadalkiisa si fiican u dhigi doonaa. waayo nin kasta oo ajaanib ahi waa uu ogyahay in aan dalkiisa cidina sharci daro dhakhtar kaga furan karin halkani noqon mayso dal aan cidi lahayn, dadkii lahaabaa u soo toosay waana la qabanayaa nin danbe oo ajaanib ah ma jiraayo oo sharci daro dalka kaga shaqaynaaya”.

“Goobaha caafimaadka ee dadka ajaanibka ah ay ka shaqeeyaan ee bilaa sharciga ah waxaan u jeedinayaa in aan dib loogu dul qaadan doonin, markaas intaan halkaaga laguugu imaan ee aan qofka la soo xirin soo doonta sharciga idinka oo xor ah oo noo yimaada oo dhakhtarkii wanaagsani sharciga ha helo kii xuna hayska tago.Hargeysa waxa aad ku arkaysaa qof ka soo cabanaaya cisbitaal uu qof ajaanib ahi joogo oo cabashadiina markaad is tiraahdo la wad halkiibuu ku daynayaa,; oo isagiibaa la aamusiinayaa, markaas dadkaas aad ka cabanaysaan ayaanu idinka qabanaynaa” ayuu sii raaciyay Guddoomiye Axmed Xaashi Oday .

Guud ahaan dalka Somalia ayaa cabashada dhaqaatiirta ajaaniibta ah ay ka jirtaa iyadoo aysan jirin wasaaradihii u xil saarnaa inay hubiyaan oo howlo kale ku mashquula, una soo jeedin arrimahasi.