Sawirro: Jabuuti oo hal sabab ciidamada Mareykanka ugu joojisay howlgalada hawadeeda

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dawladda Jabuuti ayaa ciidamada Maraykanka ee dalkeeda jooga ka joojisay howlgalada hawada iyo carbiska  milateri ee hawadeeda ku sameeyaan diyaaradaha, kadib markii ay dhawr shil oo diyaaradeed dhaceen.

“Waxaan wali qiimeyneynaa saameynta ay ku leedahay joojinta howlgalka” ayuu yiri Afhayeenka howlgalka ciidamada Mareykanka ee AFRICON, Mr. Karl Wiest.

Joojinta howlgaladaan ayaa saameyn doonin awooda milateri iyo howlgalada ee ciidamada cirka Mareykanka ka fuliyaan dalalka gobolka, gaar ahaan Somalia ee lagu bartilmaameedsanayo kooxaha argagixisada.

Laba diyaaradood oo ah kuwa milatariga ah ee uu Maraykanku leeyahay ayaa toddobaadkii la soo dhaafay dhacay, kuwaas oo mid ka mid ay ku burburtay madaarka caalamiga ah ee Djibouti.

“Ciidamada Maraykanka ee hawlgalada u jooga Djibouti waa la hakiyay tababarka iyo ciyaar siiska milateri, waana laga joojiyay carbiskii ay samayn jireen kadib markii ay shilal kala duwani ka dhaceen hawada Djibouti.” sidaas waxa yiri Karl Wiest.

Dawladda Djibouti ayaa u dirtay dawladda Maraykanka taar diblomaasiyadeed oo ay ku wargelinayso inay joojiyaan hawlgalada hawada Djibouti, ka dib shilalkaas dhacay, talaabadaas ayay Maraykanku sheegeen inay fuliyeen.

Talaadadii ayay mid ka mid ah diyaaradahani ku burburtay madaarka Djibouti ee caalamiga ah., laakiin duuliyihii ayaa ka badbaaday. Isla maalintaas gelinkii dambe diyaarad kale oo milatari oo ah Helicopter ayaa iyana ay dhaawacyo gaareen iyadoo ku degaysa madaarka Carta mana jiraan wax dhaawacyo ah oo gaadhay duuliyayaashii diyaaradda.