Kullanka Golaha Shacabka ee codka Kalsoonida loogu qaadi lahaa Jawaari oo baaqday

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka laga helaayo Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya inuu baaqday kulankii lagu ballansanaa maanta xarunta Golaha Shacabka ay ku yeelan lahaayeen Xildhibaanada Baarlamaanka.

Saacado ka hor inta aan la gaarin xiliga lagu ballamay kulanka ayaa Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey xildhibaanada ku wargeliyay inuu baaqday kulanka Baarlamaanka oo codka kalsoonida loogu qaadi lahaa Mooshinka ka yaalla Guddoomiye Jawaari.

Waxa ay ka danbeysay dib u dhaca kulanka kadib markii xalay saq dhexe wada hadal ilaa saaka soo gaaray yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo labadiisa kuxigeen.

Dib u dhaca kulanka ayaa noqonaaya markii Saddexaad ee kulanka Baarlamaanka uu baaqdo,waxana Ciidamada dowladda ay xalay Saqdii dhexe xireyn wadooyinka qaar ee muqdisho sida caadada aheyd,iyada oo wadooyinka qaar loo diidayo in dadku xataa lug ku maraan.

Ma cadda waxa kasoo bixi doona maamulka Xarunta Villa Somalia, waxaana suuragal ah in Guddoomiye Jawaari uu iska casilo xilka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com