Deg deg: Guddoomiyihii Baarlamaanka Prof. Jawaari oo is casilay

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha shacabka Soomaaliya Cabdi wali Shiikh Ibraahim Muudeey ayaa goor-dhaw sheegay in uu iscasilay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari.

Warqad la sheegay in uu soo qoray Guddoomiye Jawaari ayaa laga hor aqriyay fadhi la sheegay in aysan joogin Xildhibaano badan oo maanta ka qabsoomay xarunta Golaha shacabka Soomaaliya waxaana warqadaasi ku qorneed in uu iscasilay Prof Jawaari.

Ma jirto faah faahin intaas ka badan oo laga haayo, Xildhibaan ka tirsan garabka Guddoomiye Jawaari ayaa ii sheegay in warqad la aqriyay balse aysan xaqiijin karin xaqiiq ahaanshiyaha Warqadda.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya oo aan la hadalnay ayaa wax ay xaqiijiyeen is cailaada gudoomiyaha baarlaamanka soomaaliya.

Xildhibaano aan badneyn  oo ku shiray Xarunta Golaha Shacabka ayaa waxaa warqad is casilaad ah ka hor akhriyey gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabduweli Ibarahim Muudeey.

Sidoo kale Xoosh Jarbiil oo ah Wasiirka Dastuurka ayaa Boggiisa Facebook kusoo qoray inuu jawaari is casilay