Maxaadan ogeyn oo Saaka ka socda Xarunta Villa Somali kadib Is casilaada JAWAARI (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan warkeena hore ku sheegnay waxaa goordhow is casilay Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo waayadanba lagu muransanaa xilkiisa.

Is casilaada Guddoomiye Jawaari kadib ayaa waxaa kulan khaasa uu Xarunta Villa Somalia uga furmay Madaxweyne Farmaajo, Ra’isul wasaare Kheyre iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Jawaari.

Kulankan saaka dib u bilowday ayaa la sheegay in lagu heshiisiinayay Ra’isul wasaare Kheyre iyo Guddoomiye Jawaari, waxa uuna ka danbeeyay kadib ogolaanshiyaha Jawaari ee is casilaada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa labada Mas’uul ka dhex abuuray Heshiis niyad sami ah, waxaana sidoo kale Guddoomiyaha lagu war galiyay inuu iska iloobow wixii hore.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in sidoo kale uu kulamo kala duwan la furay garabyada iska soo horjeeday ee baarlamanaka Somalia taa oo ka danbeysay in Jawaari uu Madaxweynaha ka dalbaday qancinta garabka kala shaqeynaayay fashilinta Mooshinka.

Kulamo kuwaa ka duwan ayaa Saaka ka socda Hooyga Guddoomiyaha baarlamaanka ee is casilay waxaana halkaa ku sugan Xildhibaano ka tirsan garabka kasoo horjeeday Mooshinka xalka laga gaaray.

Xildhibaanada ku sugan Hooyga Jawaari ayaa waxaa kamid ah Guddi la sheegay inay ka danbeeyen natiijada is casilaada ee Saaka kasoo baxday Jawaari.

Go’aanka is casilaada Jawaari ayaa waxaa kaalin weyn ka qaatay Xubno ka tirsan Beesha Caalamka oo iyagu aad uga soo horjeeday khilaafka faraha kasii baxaayay.

Geesta kale, Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay war kasoo saran Is casilaada Jawaari.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com