Maxaa Guddoomiye Jawaari ku dhaliyey inuu is casilo?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa iska casilay xilkii Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Prof. Jawaari ayaa waraaqdiisa is casilaada u gudbiyey Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’isulwasaaraha iyo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Muudey.

Waraaqdaas ayaa Maanta waxaa Xildhibaanada Baarlmaanka ka hor akhriyey guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiweli Sh. Muudey.

Haddaba Caasimadda Online ayaa soo ogaatay waxyaabaha Prof. jawaari ku dhaliyey inuu is casilo.

Sida xogta sheegeyso waxaa la hadal hayaa laba qodob oo Jawaari ku qasabtay inuu is casilo, waxaana loo badinayaa qodobka koowaad:

1) Labadii Maalin ee ugu dambeysay Jawaari ayaa lumiyey Xildhibaano badan waxaana soo fuulay Culeys badan oo dhanka Xildhibaanada ah

2) Inuu qaata Lacag Shan Malyan ah sidaasna uu ku aqbalay inuu is casilo.

Xildhibaanada qaar ee taageersanaa Prof. Jawaari oo Caasimadda la hadlay ayaa ku doodayo inuu Jawaari qaatay  lacag isla markaasna uu sameeyey qiyaano qaran, ayna hadda kadib ka fiirsan doonaan shakhsiyaadka noocaan oo kale ah.

Guddoomiye Jawaari ayaa wajahay culeys siyaasadeed oo aad u badan, waxaana xusid mudan inuu yahay 73 jir ay da’da ka damba timid isla markaasna aan u dulqaadan karin dagaal siyaasadeed.

Guddoomiye Jawaari ayaa la filayaa inuu Arbacada Xildhibaanada Baarlamaanka u jeediyo Khudbad uu ku caddeenayo sababta uu isku casilay.

Waxaa hadda Villa Somalia ka socdo kulan xasasi ah oo u dhaxeeyo Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, ku xigeenadiisa iyo Ra’isulwasaare Kheyre, waxaana la doonayaa in lagu heshiisiiyo xubnihii siyaasadda isku qabtay maadaama uu dagaalka dhamaaday

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com