Akhriso Shakhsiyaadkii Farmaajo ku qalqaaliyey inuu baajiyo kulankii Wadatashiga iyo Hormarinta Gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa Shalay sheegay in uu baaqday  Shirka Wadatashiga Nabadeynta iyo Hormarinta Gobolka Banaadir oo lagu waday in 7da bishan uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Duqa magaalada ayaa sheegay in howlo farsamo oo jira awgood uu shirka ubaaqday waqtiga shirka la qaban doono uu maamulka dib ka soo sheegi doono.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa hore ugu dhawaaqay in 7 Bishaan Magaalada Muqdisho uu ka furmi doono shirkaasi.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa dhamaadkii bishii la soo dhaafay sheegay in shirkaan uu yahay mid muhiim ah loogana hadli doono Amniga Caasimada iyo sida loo xoojin karo.

Haddaba inkastoo uu Guddoomiyaha sheegay inuu kulankaas u baaqday arrimo farsamo, haddana Shabakadda Caasimadda Online ayaa heshay sababaha rasmiga ah ee keenay inuu shirkaas baaqdo iyo Shakhsiyaadka ka dambeeyo.

Illo wareedyo aad ugu dhow Madaxweyne Farmaajo ayaa Caasimadda Online u sheegay inay Shakhsiyaad madaxweynaha u dhow ka dhaadhacsiiyeen inuu kulankaas dhibaato xoog leh ku yahay dowladda Soomaaliya.

Xubnahaas oo si weyn ugu dhow Madaxweynaha isla markaasna ka tirsan kuwa furaha u ah go’aamada Madaxweynaha ayaa madaxweynaha siiyey warbixin qaldan oo ku saabsan kulankaas, waxayna sheegeen inay Muqdisho ka bixi doonto gacanta Dowladda.

Waxay madaxweynaha ku qanciyeen inuusan hadda gacanta ku heyn meelaha ay ka arrimiyaan Maamul Goboleedyada isla markaasna ay Muqdisho tahay meesha kaliya oo ay dowladda ka taliso.

Shirkaas ayaa Madaxweynaha loogu sheegay in looga hadli doono ama lagu go’aamin doono sidii ay Muqdisho u heli laheyd maqaamkeeda iyo maamul Madaxbanaan.

Xubnaha Madaxweynaha siiyey warbixintaan qaldan ayaa waxay kala yihiin:

  1. Xildhibaan Cabdishakur Cali Mire ,waxey qaraabo yihiin Madaxweyne Farmaajo.
  2. Xildhibaan Xuseen Iidow, waxey qaraabo yihiin Xasan Cali Kheyre .
  3. Siyaad Maxamuud Shire waa qunsulka safaaradda Somalia ee sacuudiga ,waxey saaxiibo isku dhow yihiin Farmaajo.

Seddexdaan xubin ayaa ka shaqeeyey in la joojiyo kulankii ka dhici lahaa Muqdisho ee looga arrinsan lahaa waxyaabo ay kamid ahaayeen:

  • Amniga Muqdisho
  • Dariseynta (Isha Xaafadda)
  • Maqaamka Muqdisho
  • iyo Sida loo maareyn lahaa Canshuuraha laga qaado dadweynaha Muqdisho

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com