Xildhibaan C/shakuur Cali Mire oo difaacay NISA, Weerar Culusna ku qaaday Siyaasiyiin & Xildhibaanno

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan C/Shakuur Cali Mire oo ka mida xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhaliilay siyaasiyiin iyo xildhibaanno adeegsaday magacyada madal iyo Xisbiyo Siyaasadeed oo weerar ku qaaday Hay’adda Nabadsugidda NISA.

Xildhibaan C/shakuur Ali Mire oo bartiisa Twitterka ugu jawaabay qoraalka ay soo saareenn siyaasiyiin iyo xildhibaanno mucaarad ku ah dowladd oo kala sheegtay Xisbiyada Daljir ,Wadajir, Kulan iyo madaasha Horusocod ayuu ku tilmaamay inay yihiin dad dano gaara ka leh mucaaradada Dowladda, oo qabiil isku baheystay, isla amrkaana lacagana kaga soo qaatay Dalal shisheeye.

Wuxuu sheegay xildhibaanka inaysan dalka xiligan ka jirin Xisbiyo Siyaasadeed oo sharci ah balse ay ka jiraan kooxo qabiil ku saleysan oo u jooga curyaaminta dadaalada Dowladdu sameyneyso.

“Dalkeenu kama jiraan xisbiyo mucaarad oo rasmi ah, balse waa kooxo qabiil ku saleysan, waxay u joogaan inay curyaamiyaan dadaalada dowladdu sameyneyso” ayuu yiri Xildhibaan C/shakuur Cali Mire.

Wuxuu difaacay Xildhibaanka Hay’adda NISA isagoo yiri “NISA waxaa loo igmaday ka ilaalinta wadanka khaa’imiinta iyo dadka la shaqeeya caddowga Soomaaliya”.

Xildhibaan C/Shakuur Cali mire oo mar soo noqday Wasiir kuxigeenkii Warfaafinta Somaliya ayaa badanaa ayaa si weyn u difaaca dowladda Soomaaliya,isagoo adeegsada ereyo adag s la mida siyasiyiinta mucaaradka ah ee dagaalkoodu gaaray inay hay’adaha dowldda soo geliyaan dagaalkooda.

Inkastoo magacyo xisbiyo siyaasadeed la adeegsado, haddana ma jiraan xisbiyo sharci ah,. waxaana dhowaan Guddiga Doorashada Qaran uu diiwaan geliyay 8 xisbi oo qaab KMG ah loogu talo galay iyadoo Guddigu caddeeyay inaysan sharci ahaan weli jirin xisbiyo dhaqan galey oo buuxiyey shuruudihii loogu talogalay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com