Generaal Gabre waxaa bedalay Al-Hammadi (Faalo Xasaasi ah)

Madaxda maamul goboleedyada iyo siyaasiyiinta soomaalida ee daba dhilifyada u ahaa waqti dheer Itoobiya ee Adis Ababa looga talin jiray uuna si fool xun u duleysan jiray Generaal Gabre ayaa waxaa jirta maadaama ninkaasi waayahan uu galaan galkiisa siyaasadeed uu naxuusay ama uu shiiqay ayaa waxaa bedelkiisa soo baxay nin la yiraahdo Maxamed Cismaan al-Hammadi oo ah Danjiraha dalka Imaaraadka C arabta u jooga Soomaaliya waxaana ninkani uu duleysi cusub ku bilaabay siyaasiyiinta kaba qaadyada soomaalida ee ajnabiga uu ku adeegto iyadoo Magaalada Adis Ababa oo daba dhilifyada looga talin jirey haatan lagu Bedalay Dubai.

Siyaasiyiinta soomaalida ee daba dhilifyada ah si ay u aqbalaan duleysiga iyo kabo qaadnimada Imaaraadka ayaa waxaa beryahan ay ku sugan yahiin Magaalada Dubia waxaana halkaas lagu shirinayey xildhibaano 28 gaaraya uuna hormuud u yahay Cumar Cabdirashiid iyadoo sidoo kalena uu joogo goobtaas Madaxweynaha Maamul Goboleedka koonfur Galbeed Shariif Sakiin kuwaas oo shilimaad yar oo jeebka loogu shubo ku bedalanaya in dalkooda hooyo ay ku iibsadaan.

Nin mudo dheer ka mid ahaa dibulumaasiyiinta soomaaliyeed ayaa ii sheegay inuu aad uu ula yaabay heerka dulinimada ah ee ay gaareen rag sheeganaya siyaasiyiin soomaali ah weliba ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo kaba qaad u noqday Itoobiya,Kenya iyo dalal carbeed sida Imaaraadka waxaana uu intaa raaciyey war waxu xumaa malaha kuwaas dhiig soomaaliyeed kuma jiro.

Guud ahaan daba dhilifyada imaaraadka uu ku shaqeysto iyo kuwa kale ee ajnabiga kaba qaadka u ah ha ogaadeen in ummaddu ay ogtahay in ay isu duleynayaan rag kheyrkood ah sidoo kalena ha ogaadeen Taariikhdu been ma sheegto, lagamana been sheego.

Taariikhdu waa mid dhigan,dhambaaley uruurisaa dhacdiyo mid la dhowryaba. Ninkii timir abuura iyo ninkii tiin tallaalaba taariikhda ayaa werin!

Waxaa Qoray Cabdulaahi Nuur Kolombo