Farmaajo oo goordhow dhagax dhigey dugsiga Xaawo Taako

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Saaka dhagax dhigay Dugsiga hoose dhexe Xaawo Taako ee Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa waxaa dhagax dhigiisa Dugsiga ku wehlinaayay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee dowlada Federaalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa halkaa ka sheegay in guul weyn ay u tahay dhammaan Soomaalida in dib loo soo nooleeyo Dugsiga hoose dhexe ee Xaawo Taako oo uu sheegay inuu soo saari jiray arday badan.

Waxa uu Madaxweynuhu sheegay in Dugsiga hoose dhexe ee Xaawo Taako uu ku buruburay dagaaladdii sokeeye ee ka dhacay dalka, balse waxa uu taa bedelkeeda sheegay in mas’uuliyada saran ay qeyb ka tahay inay ka shaqeeyan sida lagu heli lahaa goobo waxbarasho tayo leh.

Dhagax dhiga Dugsiga ayaa looga gol leeyahay in la badiyo goobaha Waxbarashada, si kor loogu qaado tayada iyo tirada Dugsiyada Dalka.

Docda kale, waxa uu Farmaajo ballanqaaday inay ka shaqeyn doonaan sida Degmo waliba ay u heli laheyd dhowr iskool oo ku filnaan doona dadka waxbarashada jecel.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com