Akhriso taariikhda iyo waxqabadkiisii guddoomiyihii ugu horeeyay ee ku baxa mooshin xukuumadeed

Muqdisho (Caasimadda Online) – Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa soo gabagabeeyay muddo 5 sano ka badan oo uu soo ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo loo doortay sanadkii 2012, kadibna dib loogu doortay 2017.

Jawaari ayaa xilka isaga casilay cadaadis uga timid xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyadoo ay noqotay markii ugu horeeyay ee guddoomiye Baarlamaan ku baxo cadaadiska Ra’iisal wasaare, waxaana is casilaadda si rasmi ah loo shaacin doonnaa kulan Baarlamaanku yeelan doono Arbacadda 11-ka April 2018.

Haddii aan dib u eegnotaariikhdiisa Maxamed Sh. Cusmaan jawaari waxa uu 7dii bishii December ee sanadkii 1945tii ku dhashay degmada Afgoye ee gobolka Shabeelada Hoose.

Dhinaca tacliinta sare, waxa uu sanadku markuu ahaa 1982 ka qalan jabiyey kulliyadda Qaanuunka ee Jaamacadii Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo xiligaas ka horna qaatay shahaado macalinimo oo luuqadda Ingiriiska iyo dimploma sharciga Islaamka ah.

Dhinaca shaqada waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dawladdii militariga ee Somalia, isaga oo Agaasime guud, xoghaye joogto ah iyo wasiirba ka soo noqday wasaarado dhowr ah. Waxa uu soo noqday Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, Dhulka iyo Cirka, waliba Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Dhinaca kale, waxa uu sanadkii 1970kii Guddoomiye kasoo noqday koox diyaarisay Sharciga Shaqada ee dalka Somalia, sharcigan oo looga gol lahaa dib u habaynta meelaynta shaqaalaha iyo qiimeynta xirfadleyda. Guddigani waxa uu xeerka sharciga shaqaalaha Somalia waafajiyey xuquuqda shaqaalaha ee caalamiga ah.

Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari waxa kale oo shaqooyin dhinaca arrimaha bulshada ah ka qabtay dalka Norway oo uu ku noolaa intii burburka dalka Somalia uu jiray.

Dhinaca dastuur u sameynta Somalia, waxa uu bishii May ee sanadkii 2008dii ilaa iyo bishii December ee sanadkii 2010kii la taliye oo dhinaca dastuur sameynta u ahaa Xafiiska Siyaasadda QM ee Arrimaha Somalia iyo waliba hay’adda UNDP. Waxa uu intaas ka dib noqday Guddoomiyaha Guddiga Khubarada DAsturka oo dib u eegis ku sameynayey Qabyo qoraalka Dastuurka iyo diyaarinta dastuurka si loo ansixiyo.

Maxamed Cismaan Jawaari waxa uu ku hadlaa luuqadaha Soomaaliga, Carabiga, Ingiriiska, Talyaaniga iyo luuqadda Norwejiga.

Intii aanu 2012 qaban xilka Guddoonka Baarlamaaka wuxu u lasoo shaqeeyay Qaramada Midoobay, Isagoo jaamacad ku taalla dalka Norway oo uu degay kadib dagaaladii sokeeye. ka hor dagaaladii Soomaaliya 1991 Prof Maxamed Cismaan Jawaari wuxuu soo noqday wasiir dhowr jeer ka tirsanaa dowladii Maxamed Siad Barre. Wuxuu kaloo dowladaas ka qabtay xilal kale oo dhowr ah.

Aqoon ahaan, waa Qareen, wuxuunaJawari guddoomiye uga soo noqday guddiga madaxa bannaan ee dastuurka ee soo diyaariyay dastuurkii ugu dambeeyay.

Waxay isku hayb yihiin madaxweynaha maamulka K/Galbeed iyo guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh Aadan oo in muddo ah loolan siyaasadeed oo hoose kala dhaxeeyay.

Dad badan oo la soo shaqeeyay Jawaari ayaa ku bogaadiyey aqoontiisa iyo sida uu dhidibadda ugu taagay Baarlamaanka Soomaaliya oo hore u ahaa mid aan sal iyo tixraac lahayn.

Siyaasiyiin badan ayaa ku xusuusan doona kaalintii uu kasoo qaatay maareynta Mooshinadda faraha badan ee dowladii Xasan Sheekh, isagoo lagu tilmaamo nin aan meelna loogu soo hagaagi karin marka ay timaado go’aan qaadashada xaaladaha cakiran.

Jawaari wuxuu ugu danbeyn u muuqdaa inuu xilkii sare ee Guddoonka baneynayo laakiin ma cadda inuu sii ahaan doono xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana lagu bogaadinayaa tallaabada geesinimada ah ee uu qaatay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com