Kaalin intee la’eg ayey shacabka ka qaateen Xiisada ka dhalatay dagaalka lala galay Jawaari (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa aad u dhaliilay hanaanka ay dadka shacabka ah uga qeybqaadanayaan Siyaasada ka jirta dalka.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in dadka shacabka ah ay kaalin weyn ka qaatan Khilaaf Siyaasadeedka ka dhaca dalka.

Dalxa oo la hadlaayay Idaacada knn ee magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in shacabka ay kaalintooda ku qaatan hanaan laga wanaagsan yahay islamarkaana xiliyada qaar ay sabab u noqdan in Khilaaf Siyaasadeedka uu meel xun gaaro.

Dalxa waxa uu tusaale usoo qaatay Mooshinka laga keenay Jawaari iyo sida ay uga qeybqaaten dadka shacabka ah, waxa uuna cadeeyay in dadka qaar ay sii hurinayeen Khilaafka.

‘’Dadka shacabka baraha bulshada ayey ku afuufayeen waxa ay rabaan, Warbaahintuna waxa ay tabineysay waxa ay doonto, waxaan orankaraa waxa ay qaabab khaldan uga qeybqaaten Khilaafka’’

Waxa uu intaa ku daray ‘’Baraha bulshada wixii la doono lagu qoraa, mana jirto cid mas’uuliyad iska saarta ilaalinta Qaranka, iyo dalkaba, taasina ay tahay dhibaato inteeda la’eg’’.

Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in qeybaha kala duwan ee bulshada ay ku milmeen siyaasada isla markaana ay ugu hadlaan qaab qabiileed, qaab urureed iyo wixii la mid ah.

‘’Qaarkood ayaa qabiil ahaan ugu hiilinaayay Jawaari, qaarna urur ahaan, waxaan qirayaa in kaalinta shacabka ee Khilaafka uu ahaa mid u badan hurin iyo sii kala geyn, waayo waxa aan mar qaati ka ahay in lagu kala jabo khilaafyada’’

Dhinaca kale, Xildhibaan Dalxa ayaa dadka Shacabka ah ugu baaqay inay dhex dhexaad ka noqdaan Khilaaf Siyaasadeedka ka dhexeeya Madaxda dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com