Akhriso: Ururuka Qareennada oo qaadacay go’aanka ay Maxkamada Racfaanka ku ganaaxday tiro Qareeno ah

Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraal kasoo baxay Ururuka Qareennada Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu qaadacay ganaax ay Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir dul dhigtay ilaa 8 qareen.

Qareenada ayaa sheegay in ganaaxaasi uu yahay mid ka hor imaanaya sharciyada, waxa ayna ku doodeen keliya in lagu eedeeyay iney diideen u doodista siyaasi C/raxmaan C/shakuur.

Qareenada uu ku dhacay ganaaxa ayaa si faahfaahsan u sharaxay sharci ahaanshiyaha go’aankaasi, mudada loo sheegay iney u doodayaan Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur.

Ururka Qareenada ayaa sidoo kale sheegay in maalin ka hor balanta Maxkamada uu qaadacay C/raxmaan C/shakuur inay ku matalaan dooda kiiska horyaal Maxkamada, taana ay ugu wacneyd inay ka hor imaadaan u doodista C/raxmaan.

Sidoo kale, waxa ay Qareenada uu ganaaxa ku dhacay sababta diidmada dooda ku sheegen inay aad isugu dhaweyd xiliga loo magacaabay kiiska iyo xiliga la furaayay ay aad isugu dhawaayen.

HOOS KA AKHRISO GO’AANKA UU SOO SAARAY URURKA

Aa1

Aa2

Aa3

Aa4