Akhriso: War-murtiyeedka shirka wada tashiga & Cabdi Weli Gaas oo helay sidii uu awalba rabay

Muqdisho (Caasimada Online) –  Shirka loogu yeeray wadatashiga qaranka ayaa laga soo saaray war murtiyeed (Communique). Caasimadda Online oo heshay nuqul ka mid ah war murtiyeedka, aan weli warbaahinta la gaarsiin, balse si qarsoodi ah loogu soo gudbiyey, ayaa waxaa lagu xusay in lagu heshiiyay in la sameeyo guddi loogu magac daray MADASHA WADA TASHIGA QARAN (MWQ). Guddigaan ayaa waxa uu ka kooban yahay.

(1). Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda Doowlad Goboleedyada, 25 xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka Federaalka ah,

(2). 10 Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah – Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Arrimaha Dastuurka, Warfaafinta, Cadaaladda iyo Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Xuquuqul Insaanka.

(3). 5 wasiir oo ka socda maamul goboleed kasta oo hadda jira iyo kuwa ku meel gaarka ah (5 midkiiba, 20 tiro guud)

(4). 3 wakiill oo ka socda gobolka Banaadir

(5). Min 2 wakiill oo ka socda gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan

(6). 2 wakiil oo ka socda bulshada rayidka ah oo ka imaanaya mid kasta oo ka mid ah doowlad goboleedyada (12 guud ahaan) iyo sidoo kale;

(7). 5 wakiill oo ka socda ururrada bulshada rayidka ah dalka oo dhan ayaa ka qeyb gali doona Madasha. Waxaa muhiimad gaar ah la siin doonaa in si dheelli tiran ay haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay uga qeeybaataan madasha.

aminamirGuddigaan ayaa waxaa aay hoos iman doonaan waxa loogu yeeray howl wadayyaasha caalamiga ah, IGAD iyo xafiiska UNSOM iyagoo markaas si joogta ah u siin doona warbixino usbuucla ah.

Waxaa war mutiyeedka lagu xusay in guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka kaliya in aay yeelan doonaan kor-joogo nimo, iyadoo taas lagu qanciyay Puntland iyo Jubba oo aan raalli ka ahayn guddigan iyo guddiga xuduudaha.

Waxaa kale oo war murtiyeedka ku xusan in daah furka natiijada guddiga MWQ lagu qaban doono magaalada Garoowe.  Wararka aan ka helyno shirka ayaa sheegaya in Cabdwali Gaas lagu qanciyay in Garoowe lagu soo saaro natiijada habka aay doorashada u dhici doonta. Waxaa kale oo lagu heshiiyay loona meel mariyay Cabdiwali Gaas in Xildhibaanada lagu soo xuli doona habka 18 gobol ee dowladdii hore, taasoo lagu heshiiyay in gobol walba uu yeelan doono 15 xildhibaan.

Halka hoose ka aqriso war murtiyeedka

[pdf-embedder url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/09/WarMurtiyeed.pdf”]