Sawirro: Qaraxii ruxay agagaarka Villa SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho,waxaana mar qura cirka isku shareeray qiic iyo uur, waxaana qaraxan uu dhacay xilli lagu jiray salaada Maqrib.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Qaraxa uu ka dhacay inta u dhaxeyso madaxtooyada Somalia iyo Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dhanka Madaxtooyada ku qulqulaayo gaadiidka gurmadka, iyadoona la maqlaayo rasaas xoogan oo ay ridayaan Ciidamada Dowlada.

Qaraxa ayaa waxa uu ahaa mid dhawaqiisa laga maqlay ilaa iyo Ex koontarool ee duleedka Muqdisho kaasi oo ay daba socdeen rasaas xoogan.

Qaraxa ayaa la sheegayaa in lagu weeraray gaadiidka Qaramada Midoobay oo xiligaasi Hotel S.Y.L ka doonaayay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan arrimaha Somalia Nicholas Kay.

Gaari Qooqan ah oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa lagu dhuftay Barkoontarool oo ku yaalla Afafka hore ee Hotel S.Y.L halkaasi oo ay ku sugnaayen Ilaalada Kay oo xiligaasi la filaayay inay kasoo qaadan Hoteelka, waxaana halkaasi ku waxyeeloobay Ciidamadii Ilaalada u ahaa Nicholas Kay.

Qaraxaasi waxaa ku dhimatay shan ruux oo ay isugu jiraan qaar ka mid ah Ciidanka Madaxtooyada iyo dumarka qaadka ku iibiya, afaafka hore ee Madaxtooyada, waxaana kamid ahaa Ciidamada ku dhaawacmay Taliyaha Ciidamada Ilaalada Nicholas Kay oo lagu magacaabo Cabdi Cali koofi

Geesta kale, Qaraxu wuxuu dhacay daqiiqado ka dib, xilli ay Madaxtooyada ka taggeen xubno isugu jiray Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowllada Federaalka, waxaana la sheegayaa inay wehlinayeen Xubno kale oo kamid ah Wakiiladaha Beesha Caalamka.

???????????????? ???????????????? ???????????????? ????????????????

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com