Soomaali xabsi u galay arrin uu iska fududeystay

Muqdisho (Caasimada Online) – Muwaadinkaasi oo lagu magacaabo Abdurahman Yousuf Adam ayaa lagu xukumay Xabsi labo bilood ah, kadib, markii laga soo masaafuriyey dalka Jarmalka.

Eedeysanaha oo 28-jir ah ayaa lagu soo oogay inuu Jesiiradda Malta ka ambabaxay isagoo aan haba yaraatee wadanin wax Dukumentiyadda Safarka “Travel Documents”, una gudbay Talyaaniga oo uu kaga sii tallaabay Jarmalka.

Booliska Jarmalka ayaa la sheegay inay soo qabteen Eedeysanaha, kadibna u soo gudbiyeen Waaxda Socdaalka Jesiiradda Malta.

Garsooraha Maxkamadda la soo taagay Eedeysanaha oo lagu magacaabo Doreen Clarke ayaa waxa uu Eedeysanaha ku xukumay xabsi labo bilood ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com