RW CC oo ka hadlay hirgelinta dowlad caadil ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashid Cali Sharmaarke, ayaa ka hadlay go’aanka DF Somalia ee ku aadan hirgalinta Dowlad Caadil ah.

Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah ee Somalia ay damacsan tahay mudada u harsan howlwanaag iyo inay dhaqan galiso wadooyin farabadan oo suuragalin kara helida wax waliba oo ku saabsan Masiirka Umadda Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in Dowlada ay muddo kooban ku fuliso ilaa dhowr Mashruuc oo la xiriira Arrimaha Doorashooyinka dalka ee la filaayo inay dhacdo sanada 2016-ka.

Waxa uu sidoo kale, tibaaxay in Dowladu aysan talaabo qaadi Karin haddii aan la helin shacab u nugul dhaqan galinta rabitaanka Dowlad ka hanaqaada halka ay iminka Somalia taagan tahay.

Waxa uu sheegay in Dowladu ay baadi goob ugu jirto siyaasad mideysan oo soo celinkarta Heykalkii dowladnimo isagoo shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in dowladda Soomaaliya lala shaqeeyo, maadaama fikirkooda lagu shaqeynayo, sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna intaa raaciyay in wadadaasi ay horseedi karto helida cadaalad rasmi ah.

Haddalka Ra’isul wasaare Cumar ayaa imaanaya xili maalinimadii shalay Magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay wajiga hore shirka wadatashiga ee looga tashanayo aayaha Soomaaliya ee 2016.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com