“Qorshaha Xassn Shiikh waa doorasho la mid ah kuwii Iraq iyo Afghanistan, kamana yeeli doono”

Muqdisho (Caasimada Online) –  Cabdullahi Jamac oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaaka Somalia ayaa si adag uga hadlay doorashada la filaayo in Somalia ay ka dhacdo 2016-ka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ujeedka doorashu ay tahay in Somalia waxbadan looga bedelo, balse DF Somalia ay doorashada u adeegsaneyso hanaan qaldan.

Xildhibaanka ayaa Tilmaamay in doorashadu tahay mashruuc ay wataan Dowladaha ajaanibta ah ee saameynta ku leh Siyaasada Somalia, hayeeshee taasi waxa uu ku sheegay mid aysan Somalia uga bixi doonin dhibta heysata.

Cabdullahi Jamac waxa uu Beesha Caalamka ku eedeeyay inay caqabad ku tahay horusocodka dalka Somalia.

Waxa uu tilmaamay in ay wadaan doorasho Jacbur ah oo aan aheyn Doorasho dadka si toos Xildhibaanada u doortaan ama tii 2012-kii ee Odayaasha soo xulayeen.

Sidoo kale, Cabdullahi Jamac ayaa ku dooday in doorashooyinka Jacburka ah laga soo hirgaliyay dalalka Ciraaq iyo Afgaansitaan iyadoo ay daba ka riixaayaan UN-ka iyo hay’ado kale isagoo intaa ku daray in aanay ka soo socon wax kheyr ah.

Waxa uu sidoo kale DF Somalia ku dhaliilay inaysan aqoon u laheyn waxa u cuntamaayo iyo wixii aan u cuntameynin, taasina ay dalka u horseedi karto in laga dhaqan galiyo rabitaanka reer galbeedka.

Cabdullahi Jamac oo xubin firfircoon ka ah guddigii Dastuurka ee Kampala Road Map ayaa carabka ku dhuftay in dalka Somalia ay ka macaashaan dalalka shisheeye.

Waxa uu ku taliyay in Baarlamaanka la dhisi doono uu saameyn ku yeesho shacabka islamarkaana noqdo mid matala Soomaaliya oo dhan min Caasimad ilaa Gobol oo dhan.

Haddalka Xildhibaan Cabdullahi Jamac ayaa imaanaya xili Madaxda Qaranka ay ku kala aragti duwan yihiin qaabka ay ku imaan doonaan Xildhibaanada dooran doono Madaxweynaha cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com