4 qodob oo damaaci ah oo Puntland & Jubaland ay wateen (Imisa xildhibaan ayey rabaan 2016?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah oo aan heleyno ayaa sheegaya sababaha ugu weyn ee Puntland iyo Jubba aay uga baxeen shirka wadatashiga dorraad, marka laga soo tago arrinta Galmudug ay tahay damac qabyaaladeed weyn oo ay wataan.

Wararka ayaa sheegaya in Puntland iyo Jubba aay soo gudbiyeen qoraal ku aadan fekerkooda habkii loo soo dooran lahaa xildhibaanada doorashada 2016 in aay ku saleeyeen.

(1) – In lagu saleeyo xulashada iyo doorashada xildhibaanada Soomaaliya 18 gobol ee jiray intii aanay burburin dowladdii dhexe 1991. Waxay doonayaan in gobollo badan oo Soomaalida oo idil wada degto inay sheegtaan sida Jubbooyinka. Puntland waxa rabtaa in Mudug ay ka hesho 60%, islamarkaana Gal-gaduud ay beesha Daarood ka hesho 25%.

(2) – In hannaanka awood qeybsiga ee 4.5 uu yahay sharci darro si toos ah uga hor imaanayo dastuurka qabyo qoraalka ah, islamarkaana la baa bi’iyo gebigiisba.

(3) – In Gobol walbo oo ka tirsan uu yeesho 18 xildhibaan iyo seddex xildhibaan oo fadhiisan doona aqalka sare.

(4) – In daah furka qaabka doorashada aay u dhaceyso ay marti geliso Puntland laguna qabto Magaalada Garoowe muddada uu socdo daahfurkana aay beesha caalamka ka caawiso dowladda Puntland wixii macluumaad dhaqaale iyo farsamo ee loo baahdo.

Waxaa fekerkan si toos ah uga hor yimid Shariif Xasan Sheekh Adan iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ayaga rabo in habka 4.5 lagu soo xulo xildhibaanada, Dowlad Goboleedyadana loo madax bannaaneeyo soo xulitaanka xildhibaanada. Iyo iyagoo markaa si qayaxan u diiday in waqtigan la dhiso golaha sare ee baarlabaanka maadaama aanay jirin dowlad goboleed soo buuxisay heshayna ansixinta baarlabaanka.

Si kastaba ha ahaatee, shirka oo soo idlaaday lagana soo saaray war murtiyeed aan ilaa hadda la shaacin balse Caasimadda Online aay heshay nuqul ka mid ah, ayaa u eg mid aanan marnaba wax heshiis ah uusan dhicin.

Xoghaya gaarka ah ee qaramada midoobay Nicholas Kay ayaa uun rabay in shirka uu soo xirmo waxna ka soo baxaan. Nicholas Kay ayaa waxaa uu safar u yahay Magaalada New York burrito oo Isniin ah halkaasoo uu kaga qeyb geli doona shir ka dhacayo New York isaga iyo Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud. Shirkaasoo la hor geyn doona heshiiska beenta ah ee maanta ka soo baxay Muqdisho si markaas Nicholas Kay uu u helo lacagaha loo qoondeeyay in Soomaaliya doorasho loogu qabto sanadka 2016. Lacagahaas oo ah adduun dhan $80 Million oo dollar.

Madaxweynaha KG Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa caro kaga baxay dalka maanta, isagoo aad u dhaliishan qaabka iyo jil-jileeca Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Shariif Xasan ayaa isagu og in haddii mar awood qeybsiga 4.5 uu meesha ka baxo in isaguna uu ka bixi doono masraxa siyaasadeed. Waxa kaliya oo uu haysto ayaa ah awood qeysiga 4.5 iyo Itoobiya.

Haddaba waa maxay faa’iidada ka soo bixi karta in xildhibaano cusub oo is qab-qabsi iyo musuqmaasuq kale lagu keeno sanadka 2016? Maxaa faa’iido ah oo ugu jira qaranka Soomaaliyeed in mar walbo siyaasadda xagga hoose laga soo bilaabo? Su’aalahaas iyo kuwo la mid ah ayey is weydiinayaan dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed iyagoo markaas aad u dhaliishan ergeyga qaramada midoobay Nicholas Kay iyo madaxweynaha JFS. Labadan shaqsi ayaa ka door biday in la helo deggenaasho siyaasadeed dantooda shaqsiga ah. Iyagoo markaa rabo in lacagahaas doorashada aay ka helaan macaash badan.

Haddaba, waxaanan weli la ogeyn mowqifka aay qaadan doonaan Baarlabaanka, oo loo badinayo in aay gebi ahaanba laadaan heshiiskan beenta ah iyagoo markaa raacaya dastuurka ku meel gaarka oo aan marnaba ogoleyn in dowlad goboleed aanan suu buuxin shuruudihii federaalka aay go’aan ka gaaraan maqaamka siyaasadeed ee dalka Soomaaliya

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com