Xog-warran: Fadeexad is-xulufeysigii harreysay shirkii wada-tashiga ee kusoo idlaaday Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Hugun Siyaasadeed, Fadeexad Isbahaysi, Weji-gabaxa, Gorgortan iyo Dareen Xag-Jirnimo ayaa waxa uu hareeyey Fadhiyaddii Madaxda Qaranka iyo Madaxda Maamul-gobaleedyadda ku lahaayeen Qasriga Madaxtooyadda Villa Somalia ee magaalladda Muqdisho.

Kulankaasi oo gogol-xaar u ah La-tashiyo Baahsan oo lagu ururinayo Aragtiyaha Maamulladda iyo Ururradda Bulshadda ee ku aadan Mustaqbalka Dowladda Federalka, marka la gaaro bisha Augsut ee sannadka soo socda.

Hoggaamiyayaasha Siyaasadda waxay ku kala qeybsameen Hadafka Shirka, iyadoo Madaxweynayaasha Maamulladda Puntland iyo Jubbaland si carro leh uga baxeen Madashii looga arrinsanayey Mustaqbalka Somalia.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo u muuqday inay ku soo ballameen Carqaladaynta Shirkaasi ayaa waxay si sumcad-xumo ah u muujiyeen Dhaqan Siyaasadeed laga soo gudbay, oo la saanqaadi karin Siyaasadda Casriga.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Madaxweyne Gaas iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ku tallaabsadeen Falal Dib-u-dhac ah, kuna turunturoodeen Masraxa Siyaasadda ee looga tashanayo Mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed.

Waana ayaan-darro in Hoggaamiyayaal la doortay ay ku hirtaan Milgo la qoonsaday iyo inay jaal ku noqdaan Isbahaysi Siyaasad-beeleed lagu abuurayo Fowdo iyo Qas-siyaasadeed.

Ergooyinka Beesha Caalamka ee ku sugnaa Madasha Shirka Wada-tashiga, waxay si Dareen Diplomaasiyadeed oo xog-raadin leh ku eegayeen Hannaanka Shirkaasi iyo Ficiltanka Madaxda joogtay Kulankaasi, waxayna ka markhaati noqdeen Hoggaamiyayaasha daacadda ka tahay Madasha iyo kuwa Qas-wadayaasha ku ah Geeddi-socodka Mustaqbalka Somalia.

Qabsoomida Shirkaasi ayaa waxay hadal-hayntiisu noqotay Dhacdooyinka C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe, oo iyagu u muuqda kuwo ka argagxsan Maamulka Galmudug oo iyagu ka mid ah Maamul-gobaleedyadda ku mideysan Dowladda Federalka.

Xaqiiq ahaan, C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe waxay u muuqdaan kuwo dhigayo Dabin Siyaasadeed oo ay ku doonayaan inay ku fashiliyaan Horumarka Dowladnimo, Tisqaadka Maamul-gobaleedyadda dhismayo iyo Olole lagu kicinayo Dagaalladii Sokeeye ee lagu riiqmay.

Si kastaba ha ahaatee, marka si deggan loo eego Hadafka Wada Tashiga Qaranka, waxay tahay in la ururiyo Aragtiyaha Guud ee Madaxda iyo Bulshadda Soomaaliyeed, kadibna laga xusho Talada lagu mideysan yahay.

Shirarka Hordhaca waxaa ku soo biiri kara Madaxda Maamul-gobaleedyadda dhismayo, kuwaasi oo loo baahan yahay inay isku xuquuq yihiin.

Markaynu isku soo duubno, Hoggaamiyayaasha waxaa loo baahan yahay inay si Waddanimo leh u Fekeraan, kana xishoodaan Isbaaro-siyaasadeedka ay sumcad-beelka ka dhaxlayaan, waana in laga garaadsadaa Aragtida wax lagu burburinayo iyo Cuqdadada lagu abuurayo Colaadaha iyo Burburka Dowladnimo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com