Xiisad siyaasadeed cusub oo ka taagan Cadaado

Cadaado (Caasimada Online) – Nabadoon Caan ka ah gobolada dhexe ee dalka ayaa waxaa xabsiga dhigay ciidamada nabad sugida maamulka Galmudug, xiliga laga soo kaxeeyay deegaanka Baxdo ee gobolka, lana geeyay degmada Cadaado.

Nabadoonka xabsiga la dhigay ayaa lagu magacaabaa C/qaadir Sheikh Cali Kulmiye wuxuuna kamid ahaa dadkii wax ka dhisay maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe oo uu madaxweynaha ka yahay  Sheikh Maxamed Shaakir.

Saciid Sheikh Cali oo nabadoonka la dhashay ayaa sheegay in walaalkii lagu heysto ka qeyb qaadashada dhismaha maamulka gobolada dhexe ee AHlu sunna, sidaasi daraadeedna ay xabsiga dhigeen ciidamo ka amar qaata maamulka Galmudug.

Ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug oo isku heyb ay yihiin Nabadoon Kulmiye ayaa ka horyimid xeritaanka nabadoonka waxayna dalbadeen in si deg deg ah nabadoonka lagu sii daayo.

Arintaasi ayaa xiisad ka dhalisay maanta magaalada Cadaado, waxaana ciidamada nabad sugida Galmudug ay diideen in xabsiga laga sii daayo nabadoonka oo si weyn looga yaqaan gobolada dhexe ee dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com