Akhriso Waraaqdii ay Maxkamadda Racfaanka ku amartay in dib loo bilaabo dacwada C/raxmaan C/Shakuur

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo xafiiska xeer ilaalinta Qaranka ayaa sheegaya inuu rafcaan ka qaatay go’aankii Maxkamadda Gobolka Banaadir ka gaartay kiiskii siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa qoray rafcaanka kiiskan oo gaaray maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in Berri uu dib u furmi doono kiiska siyaasiga C/raxmaan C/shakuur iyadoo lagu wado in maxkamadda Rafcaanka ay ogolaato rafcaanka uu qaatay Xeer ilaaliyaha.

Guddoomiyaha Maxkamadda G/Banaadir ayaa lagu eedeeyay inuu dhinac u xaglin sameeyay isagoo dacwad aan dhageysi gaarin go’aan ka qaatay, isla markaana ku dhawaaqay go’aan sharci ahaan khaldan oo ah inaan rafcaan laga qaadan karin go’aankiisa, taasoo shaki weyn gelisay dhexdhexaadnimdiisa.

Caasimadda Online ayaa heshay waraaq kasoo baxday Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir Saalax Sheekh Ibraahim.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxay Xafiiska Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ee lagu amra in Berri la dhageysto dacwada Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com