Xil. Khadiijo Diiriye oo si adag ugu jawaabtay Xildhibaanada qodobada soo saaray ee diidan Mooshinka

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumada Somalia Khadiijo Maxamed Diiriye ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa si adag uga jawaabtay qoraal ay soo saaren Xildhibaanada taageersan Guddoomiye Jawaari ee iyagu sheegay inuu burburay Mooshinka.

Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay go’aankii ay xalay soo saareen xildhibaaanada la magac baxay gudiga badbaadada Baarlamaanka ee ahaa in uu bur buray mooshinkii Jawaari.

Khadiijo Maxamed Diiriye oo la hadashay warbaahinta ayaa tiri “Waxaan u arkaa horay u soco dib u soco maxaa daal la kororsaday jahwareerka ayay ka mid tahay iyo marin habaabinta shuruucda dalka u yaalo lagu samayen doono’’

Waxa ay intaa ku dartay Khadiijo ‘’Waxan kuu sheegayaa in sharciga uu cid walba ka sareeyo, balse waxaa iigu yaab badan xildhibaanka dhahaya Mooshinka daqiiqad ayuu ku jabay isna sidee ayuu Xildhibaan ku yahay’’ ayay tiri xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye

Waxa ay intaa raacisay ‘’Mooshinka oo burburaa waxa ay ka dhigan tahay baarlamaanka oo la kala diraa, Xildhibaanada Mooshinka diidan waxaan u sheegeynaa in baaqii ay soo saaren uu iyaga dhaawici doono’’

Si kastaba ha ahaatee, haddalka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa kusoo beegmaaya xili Xildhibaanada taageersan Jawaari ay diideen Mooshinka, isla markaana sheegen inuu burburay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com