AL-AZHAR oo ka jawaabtay weerarkii Emmanuel Macron uu ku qaaday ISLAAMKA

Qaahira (Caasimada Online) – Golaha Majmaca Daraasadka Islaamka ee Al-Azhar Al-Sharif ayaa dhaleeceeyey hadallo uu sheegay madaxwenaha Faransiiska, Emmanuel Maccron, oo uu goluhu sheegay in uu minjo xaabinayo “dhamaan dedaallada wada jirka ah ee lagaga hortagayo takoorka diimaha iyo isirka.”

Goluhu wuxuu sidoo kale ka digay cawaaqibka ka dhalan kara ‘hadalladaa takoorka ah ee dhaawacaya dareenka hal bilyan oo qof oo Muslimiin ah’.

Hadalladaa aadka loogu dhaleeceeyey Maccron oo ku jiray khudbad uu jeediyey maalintii Jimcihii ee 2 Oktoobar ayaa waxa ka mid ahaa “Islaamku waa diin daafaha dunida oo dhan dhibaatooyin ka abuuray”. Waxaanu sidoo kale shaaciyey qodobo uu sheegay in uu kaga hortagi doono in Muslimiinta dalka Faransiiska ku nooli ay ku noqon karaan bulsho ka go’an dadka intiisa kale.

Waxa sidoo kale dhaleeceeyey hadalladaa ka soo baxay madaxweynaha Faransiiksa, Sheekh Al-Azhar Dr. Axmed Al-Dayib, oo sheegay in uu aad uga cadhooday oo u dhaleecaynayo adeegsiga erayada “argagixisada Islaamka” ee iyada oo aan la dhaadanayn dhibaatada ka dhalan karta, ee ah aflagaadaynta diinta Islaamka iyo dadka rumaysan, sahalka loo odhanayo iyo sidoo kale iska indho tirka dulqaadka Islaamka iyo mabaadi’iidiisa quman.

Sidoo kale waxa hadalka Maccron ka falceliyey Golaha Midowga Culumada Islaamka ee Caalamiga ah oo farta ku fiiqay in “dadka diinta Islaamka soo galayaa ay maalin walba sii kordhayaan, sidaa awgeedna aanu ahayn diin dhibaato abuuraya. Laakiin dhibaatadu ay tahay garasho la’aanta dadka ka haysata mabaadi’diisa iyo xaqiiqada diinta iyo sidoo kale nacaybka loo qabo ummada Muslimka ah”.

Waa maxay qorshaha Macron

Madaxweyne Macron ayaa sheegay in Muslimiinta ku nool Faransiiska oo tiradooda lagu qayaaso 6 malyan ay khatar qarka u saaran yihiin in ay noqdaan ‘bulsho ka duwan’ Faransiiska intiisa kale.

Qorshaha uu madaxweynahu damacsan yahay ayuu ku sheegay in ay ka mid yihiin dugsiyada waxbarashada ee ay Muslimiintu leeyihiin oo gacan bir ah lagu qabto iyo in la xakameeyo lacagaha dibadaha ka yimaadda ee masaajidda lagu dhiso.

Madaxweynaha ayaa cadaadis xooggan lagu saaray inuu wax ka qabto Islaamka xagjirka ah iyada oo ay jirto cabsi dhinaca amniga ah.

Balse hadalka ka soo yeedhay madaxweynaha waxaa si weyn u cambaareeyey dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Muslimiinta iyaga oo hadalkiisa ku tilmaamay inuu doonayo ku cabudhiyo Muslimiinta dalka Faransiiska.

Mabaadiida adag ee dalka Faransiiska oo cilmaaniyadda ama laïcité, ku dhisan ayaa kala sooca dowladda iyo hay’adaha diiniga ah. Fikraddaa ayaana dhigaysa in dadyowga diimaha iyo caqiidooyinka kala duwan aaminsan ay sharciga hortiisa ku siman yihiin.

Tallaabbooyinka uu Maccron damacsan yahay inuu qaado waxaa ka mid ah:

  • In si adag loola socdo ururrada isboortiga iyo ururrada kale ee ay bulshooyinka isugu yimaadaan oo looga mid dhigo barashada islaamiyiinta.
  • Joojinta nidaamyada imaamyada ee meela ka baxsan Faransiiska waxbarasha u aado.
  • Kormeerka iyo dabagalka dhaqaalaha masaajidda soo galo ama lagu maalgeliyo.
  • In la xaddido waxbarashada guriyaha lagu dhigto iwm.

Maccron waxaa kale uu sheegay Faransiiska inuu waxbadan ka qabanayo arrimaha dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee dadka soo galootiga ah, wuxuuna intaa ku daray iney xagjiriintu ay buuxiyeen fursadihi jiray.

Toddobaadki hore laba qof ayaa la dhaawacay kaddib marki weerar lagu qaaday xafiiski hore ee wargeyska Charlie Hebdo ee lagu aflagaaddeeyey Nabi Muxammad (NNKH).

Bishii January 2015-kina kooxaha jihaad doonka ah weerar ay xafiiska wargeyska Charlie Hebdo ku qaadeen waxaa lagu dilay 12 qof, iyaga oo kooxaha weerarkaasi soo qaaday ay sheegeen iney wargeyska weerarkaasi ugu qaadeen si ay ugu aarsadaan aflagaaddada Nabi Muxamad (NNKH) uu u geystay.