Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka qaraar ee dalalka Azerbaijan iyo Armenia

Bakju (Caasimada Online) – Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa dalbaday Axadii in Armenia ay dejiso jadwal ay uga baxeyso xuduudda Nagorno-Karabakh iyo nawaaxigeeda ee dhulalka Azerbaijan, wuxuuna wacad ku maray Azerbaijan aysan joojin doonin dagaalka illaa ay taasi dhacdo.

Khudbad uu telefishanka ka jeedinayay, ayuu Aliyev ku sheegay in ciidamada Azeri ay ku sii siqayaan duulaanka todobaadka soconaya oo ay dib ugula wareegayaan dhulkii ay ka qabsadeen Armenian-ka 1990-maadkii.

“Azerbaijan waxay leedahay hal shuruud, waana xoreynta dhulalkeeda,” ayuu yiri. “Nagorno-Karabakh waa dhulka Azerbaijan. Waa inaan soo celinaa, waana soo celin doonnaa.”

“Shuruuddeena waa tan soo socota: ha la baxaan ciidamadooda, iska horimaadkana waa la joojin doonaa, laakiin tani maaha inay ahaato hadal, balse waa inay noqotaa ficil,” ayuu raaciyay.

Wuxuu sheegay in bulshada caalamku ay ku fashilantay muddo soddon sano ah inay fuliso qaraarada Qaramada Midoobay ama ay cadaadis saarto Armenia, si ay u soo celiso dhulalka Azerbaijan.

Nuxurka iyo qaabka fariinta Aliyev ayaa caddeeyay in Azerbaijan aysan aqbali doonin baaqyada xabad joojinta deg deg ah ee ka imanaya Ruushka, Mareykanka iyo Midowga Yurub.

Iska horimaadyadu waa kuwii ugu xumaa tan iyo 1990-yadii, markaasi oo dagala dhex maray labada dal lagu dilay ilaa 30,000 oo qof. Dagaalka hadda socda ayaa kusii fidaya meelo ka baxsan gobolka Nagorno-Karabakh. Waxaa ku dhintay boqolaal qof oo u badan Armenian.