Al-Jazeera oo kashiftay sir culus – Doorka Dahabshiil ee argagixisada Somalia iyo wareejintii dekeda Berbera

Muqdisho (Caasimada Online) – Telefishanka Al-Jazeera ayaa soo diyaariyey warbixin muddo badan laga soo shaqeenayey oo ku saabsan dagaalka Dekadaha ee ka socdo Geeska Africa.

Warbixintaan oo ka baxday Telefishanka Aljazeera ayaa lagu soo bandhigay waxyaabo badan oo qarsoonaa kuna saabsan dagaalka dhanka Dekadaha Geeska Africa ee u dhaxeeyo dalalka Imaaraadka, Shiinaha, Turkiga iyo Dowlado kale oo waaweyn.

Al-Jazeera ayaa Barnaamijkaan ugu magac dartay ”Almasaafa Sifir”, wuxuuna barnaamijkaan si gaar ah uga hadlay Loolanka DP Word iyo Dowladda Jabuuti kaasoo keenay in ugu dambeyn DP Word laga eryo dalkaas.

Sidoo kale barnaamijkaan ayaa ka hadlay sida ay Imaaraadka Carabta ugu suurta gashay inay heshiis kula wareegto Dekadda Berbera oo lagu bixiyey lacago Malaayiin Dollar ah.

Salaam Hindaawi oo ah  Weriyaha diyaarisay Barnaamijka– لمسافة صفر ”Almasaafa Sifir”, ayaa barnaamijkeeda ku dhex sheegtay inay ogaatay intii ay baaritaanka waday in Shirkadda Dahabashiil ay qeyb weyn ka qaadatay fududeynta Heshiiskii ay Imaaraadka kula wareegtay Dekadda Berbera.

Wariyaha ayaa sheegtay in shirkadda Dahabshiil oo ugu weyn xawaaladaha Geeska Afrika ay ku lug lahayd heshiiska Imaaraadka loogu gacan geliyay Dekadda Berbera, iyadoo si rasmi ah u taageertay, isla markaana website-keeda ay ku baahisay qoraal lagu taageeray heshiiskaasi sida lagu soo bandhigay  warbixinta.

Dahabashiil oo Xarunteeda ugu weyn ay ku taalo Imaaraadka Carabta ayaa heshiiska Dekadda Bebera fududeysay iyadoo uu jiray xiriir u dhaxeeyey Shirkadda Dahabshiil iyo Maamulkii Siilaanyo.

Xiriirkaas ayaa ahaa inuu Maamulkii Siilaanyo Wasiir ka noqday Mas’uul ka tirsanaa Shirkadda Dahabshiil waxayna arrintaas aheyd sababtii ugu weyneyd ee keentay inay Dahabshiil qeyb ka noqoto heshiiska Maadaama ay Imaaraadka u arkeysay inay Dekaddaas tahay mid muhiim u ah Geeska Africa.

Mas’uulka Dahabshiil ka tirsanaa ayaa Wasiir ka ahaa Maamulka Siilanyo laga soo bilaabo 2010 illaa 2017 oo aheyd mudadii uu Siilaanyo madaxweyne ka ahaa Somaliland sida ay sheegtay Al-Jazeera.

Warbixinta ayaa sheegtay in Shirkadda Dahabshiil uu leeyahay nin Ganacsade ah oo kasoo jeedo Somaliland laguna magacaabo Cabdirashiid ay qeybta ugu badan laheyd heshiiskaas isla markaasna ay iyada qabatay shaqada ugu badan iyo qaabka loo maray heshiiskaas.

Warbixinta Al-Jazeera ayaa lagu sheegay in shirkadda Dahabshiil ay sumcaddeeda dhaawacantay kadib markii laga baaray Musuq Maasuq Maaliyadeed iyo inay maalgeliso Argagixisada kadib markii mid kamid ah shaqaalaheeda lagu xiray Xabsiga lagu xiro dadka Argagixisanimada lagu helo ee Guantanamo Bay.

Markii ay soo baxday warbixinta ku aadan in Guantanamo lagu xiray mid kamid ah Shaqaalaha Dahabshiil waxaa bogga hore ee Mareegaha Google Search kasoo baxayey  marka Dahabshiil lagu qoro  Warbixinada ku saabsan in mid ka mid ah shaqaalaheeda lagu xiray xabsigaas, waxayna taas shirkadda ku noqotay  dhibaato weyn oo keentay inay xiriirka u jaraan Bangiyo waaweyn oo adduunka ku yaalo sida Barclays oo laga leeyahay Ingiriiska.

Dahabshiil oo ku dadaaleysay inay sumcad daradaas ka hor tagto ayaa heshiis lacag badan ku baxday la gashay Shirkadda Bell Pottinger oo ka shaqeysay inay Google search ka saarto warbixinadda isku xiraya xabsiga Gauntannamo iyo shirkadda Dahabshiil, si sumcadeeda loo ilaaliyo, waxaana suurta gashay in laga waayo 20-ka bog ee ugu horeeyo google Search.

Gabagabadii warbixinta, Al-Jazeer ayaa kusoo bandhigtay warbixin ay u dirtay Shirkadda Dahabshiil laguna waydiinayey arrimahaan iyo waxa ka jiro balse nasiib darro waxay sheegtay inaysan wax jawaab ah ka helin Dahabshiil.

Halkaan hoose ka daawo warbixinta AL-Jazeera oo ku baxday Afka Carabiga 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com