Al-Jazeera: Sacuudiga wixii uu SOMALIA ku sameeyey ayuu kaga cabanaa Canada

Doha (Caasimada Online) – Taleefishinka Al-Jazeera ayaa warbixin uu qoray kaga hadlay khilaafka dalalka Canada iyo Sacuudiga, iyo in Sacuudiga kaga cabanayaan Canada arrimo ay ku sameeyeen Soomaaliya iyo dalal kale.

Dowladda Sacuudiga ayaa sare usii qaaday Khilaafka kala dhaxeeyo dowladda Canada iyadoo dadkeeda ku sugan dalkaas ku amartay inay deg deg uga soo baxaan.

Dadka ay Sacuudiga amartay inay soo baxaan ayaa xataa waxaa ku jiro muwaadiniin halkaas u joogo arrimo waxbarasho, Caafimaad iyo dalxiis.

Dowladda Sacuudiga ayaa ku doodeyso inay Canada soo faragelisay arrimaha Gudaha dalka Sacuudi Carabia taasna ay tahay mid aan la qaadan karin.

Khilaafka halka uu ka bilowday:

Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay hakisay dhammaan ganacsigii iyo maalgalintii cusbayd ee kala dhaxaysay Canada, iyadoo arrintaas ku sababaysay “faragalinta” ay ku hayso arrimaheeda gudaha.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga oo Twitterro badan soo qortay ayaa sheegtay in ay eryayso safiirka Canada ayna la soo laabanayso midkeedii Canada u fadhiyay.

Arrintan ayaa timid ka dib markii ay Canada sheegtay “in ay aad uga walaacsan tahay” xiritaanka loo gaystay dad xuquuqda aadanaha u dooda.

Dadka la xiray waxaa ka mid ah Samar Badawi oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda dumarka oo Sacuudiga u dhalatay haysatana dhalashada Maraykanka.

Samar ayaa ku baaqaysay in la so af jaro habka Sacuudiga looga dhaqmo ee muxramka.

Xiritaankan ayaa yimid iyadoo amiiirka dhaxalka leh ee Sacuudiga Maxamed Bin Salman uu sannadkan sameeyay isbadallo.

Dawladda Canada ilaa iyo hadda kama aysan hadlin tallaabada dublamaasiyadeed ee uu Sacuudigu qaaday.

Faragelinta Arrimaha Gudaha:

Khilaafka labadaan dal ayaa salka ku hayo sida ay Sacuudiga sheegtay faragelin lagu hayo dalkeeda, haddaba Sacuudiga ma aragto miyaa faragelinta ay ku heyso dowlado badan oo Islaam ah?.

Dowladda Sacuudiga ayaa faragelin qaawan ku sameysay dalka Qatar oo ay xataa isku dayday inay rido hoggaamiyaha xukunka u hayo.

Sidoo kale waxay si toos ah u weerartay dalka Yeman oo ay ciidamo ka tirsan xulafeeda ay laayeen dad shacab ah welina ay wadan.

Sacuudiga ayaa sidoo kale faragelin gudaha ah ku heyso dowladaha ka tirsan Jaamacadda Carabta oo ay ku qasbeyso inay xiriirka u jaraan dowlad kasta oo ay is khilaafaan.

Dowladaha ay faragelinta gudaha ah ku sameysay ayaa waxaa kamid ah dalka Soomaaliya kadib markii dowladda dhexe ay diiday inay xiriirka u jartay dalka Qatar.

Xuquul Insaanka ma arrimaha gudahaa?

Arrinta ay isku hayaan dowladaha Sacuudiga iyo Canada ayaa ah xarig ay dowladd Sacuudiga u geysatay dad u doodo xuquuqda aadanaha.

Sida ay adduunyada ku heshiisay xuquuqul Insaanka maahan wax u gaar ah hal dowlad balse wuxuu yahay heshiiska in xuquuqul isaanka si guud loo ilaaliyo isla markaasna looga wada hadlo si dowli ah.

Haddii ay dowladda Sacuudiga dhibsatay in laga hadlo dad u doodo xuquul insaanka oo ay xirtay maxaa u maleeneysaa faragelinta qaawan oo ay ku heyso Dowladaha Islaamka iyo weliba dhigga masaakiinta ay Sacuudiga iyo xulafadooda ku daadinayaan gudaha dhulka Yemen?