Yaa ka dambeeya dagaalka Ethioopia ee gobolka DDSI, muxuuse salka ku hayaa?

Guud ahaan dalka itoobiya waxaa sanadihii ugu dambeeyey hadheeyey Mudaharaado looga soo horjeedo, dawladii hore ee TPLF hogaanka u haysay taasi oo shacabka itoobiya ka tirsanayeen in ay dalka ka gaysatay gabood falyo farabadan, sidoo kalena lagu eedaynayey, cadaalad xumo, Cabudhin iyo cagajuglayn ay ku hayso shacabka ka soo kala jeeda qoomiyadaha itoobiya, taasi oo keentay in ururo hubaysani ay dagaal kaga horyimaadaan, sidoo kale, kacdoon shacab ayaa si weyn uga bilowday gobolada Oromo iyo Amxara kaasi oo dhaxalsiiyey in gabi ahaanba meesha laga saaro xukunkii TPLF.

Dalka itoobiya la isku yidhaahdo wuuxuu ka kooban yahay Sagaal kilil ama ismaamul hase yeeshee  afar ka mid ah sagaalka ayaa isku qoray in ay iyagu awooda maamulka sare ee dalka iska leeyihiin, kuwaasi oo kala ah, Oromo, Tigre, Amxara iyo Shucubta Koonfureed, hardankii xukunka dalka waxay kooxda TPLF xulufo la samaysatay goboladii kale ee laga reebay awooda dalka waxayna deegaamadaasi gacanta u galisay rag ku shaqeeya awaamiirta TPLF.

Goboladda TPLF xulufada la samaysay ee aan awooda ku lahayn dalka itoobiya waxaa ka mid ah Deegaanka Soomaalidu degto, gobolkaas oo baaxad ama dhul ahaan lagu qiyaaso in uu yahay Gobolka labaad, dad ahaana tirada itoobiya marka la eego ah Gobolka sadexaad ee ugu dadka badan.

Haddaba Gobolka Soomaalida ayaa ahaa gobolka dhibaatada ugu weyni ka soo gaadhay xukunkii TPLF  mudadii dalka majaraha u hayeen,  dadka soomaalida ah waxaa lagu soo rogay, xukun adag lagana dhigay goob ay ka caagan yihiin hay.adaha caalamiga ah iyo sharciyada dalka, mudadii TPLF xilka haysay gobolkaasi wax dhibaato aan ahayn kama ayna helin shacabka soomaalidu.

Xukuumaddii hore ee TPLF mudadii ay xilka aysay waxaa deegaanka soomaalida lagu dilay kumanaan dad ah kuwaasi oo aan waxba galabsan, waxaa la kufsaday dumar tiro badan, waxaana lagu xidhxidhay kumanaan kale, waxaa ku curyaamay dad tiro badan, waxaa dacdaro iyo dhibaato ka soo gaadhay eheladii dadkaasi la laayey iyo kuwa la xidhay dhalay. Dadka soomalidu marnaba kama helin xukuumadihii itoobiya isaga dambeeyey wax naxariis ah. Waxaana muuqata in xukuumada Abiye ay raacayso raadashii hore ee xukuumadihii itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee, dadka Soomaalida ah oo mudooyinkanba u dhaga taagayey isbadalka dhacay dalka itoobiya filayeyna in ay maanta ka nastaan dhibaatooyinkii Xukuumadii TPLF u gaystay ayaa hada wajahay Xaaladii ugu xumayd abid ee ka soo gaadha dalka itoobiya tan iyo xilligii dhargiga ee dalka uu ku jiray xukunkii gumaysigii kaligii talisnimada.

Dawlada Abiye oo ah dawlad rajo weyn ay ka qabeen dadyowga kala duwan ee itoobiya iyo guud ahaan beesha caalamka ayaa hadda waxaa muuqda in uu deegaanka soomaalida ku soo rogay xukun milatari iyadoo marmarsiinyo looga dhiganayo qabashada Madaxweynihii  hore ee deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar kaasi oo bishan August 7deeda laga qaaday Magaaladda Jigjiga ee Caasimada Maamulka hadda jire ee Soomaalida.

Hawlgalkan milatari oo ah mid qorshaysan ayaa dhacay kadib markii Raysal Wasaaraha itoobiya Abiye Ahmed      uu dalka maraykanka iyo Gudaha Magaaladda Addis ababa kula kulmay kooxo Soomaali ah oo ka cadhooday gabood faladii Madaxweynihii hore ee deegaanka, kuwaasi oo la rumaysan yahay in ay ka dambeeyeen dalbashada in xoog loo adeegsado qabashada Cabdi Iley.

Hadaba si loo qabto Cabdi iley wuxuu raysal Wasaaraha itoobiya Mr Abiyot ku dhawaaqay in deegaanka Soomaalida(Ogadenia), shidaalka laga helay ay ka heli doonaan, saami dhan 5%, taasi oo si weyn uga cadhaysiisay dhammaan dadka Soomaalida ah, hadalkaasi Raysal wasaaraha ayey dadbani rumaysan yihiin in uu ahaa jaranjartii loo siimaray qabashada Cabdi iley, kadib markii uu ka mid noqday dadka sida weyn uga soo horjeeda qoodada Raysal wasaaruhu sheegay.

Inkasta oo Cabdi iley dadka shacabka ahi si weyn uga soo horjeediin dhaqamadiisa iyo dhibaatooyinkii uu shacabka u gaystay hadana qabashadiisii kadib waxaa gadooday shacab tiro badan, kuwaasi oo aaminsan in deegaanka Oromo la wareegayso.

Cabdi iley wuxuu ahaa dambiile, ka gaystay deegaanka Soomaalida (Ogadenia), dambiyo farabadan isagoo ku adeeganayey Ciidamo aan sharci qabtaa jirin, kuwaasi oo gaystay Gabood falo badan oo isugu jiray kufsi, dil, xadhig sharci daro ah iyo boob hanti dadweyne.

Hay.ada Xuquuqda aadanaha ee Human Right watch ayaa marar badan soo saartay warbiximo lagu cambaaraynayo dhibaatooyinka Cabdi iley ka gaystay deegaanka soomaalida waxayna hay.adaasi codsatay in ninkaasi sharciga la horkeeno.

Sidoo kale, Ururada mucaaradka ah sida ururka ONLF ayaa in badan  soo jeediyey in dadka shacabka ah dhibaatadda laga daayo, lagana qabto ninkan dhibaatadda ku haya, shacabka,  hase yeeshee maamulkii TPLF dhag jalaq uma siinin eedaymahaasi.

Hadaba Dawlada Abiye ayaa qaadatay tilaabo ninkaasi lagu qabanayo hase yeeshee waxaa muuqata in wadadii ku haboonayd in lagu qabto aan loo marin, taasi oo keentay in dadkii shacabka ahaa ee deegaanku kacdoono ka sameeyaan weerarka Abiye, kadibna ay dhibaato ka soo gaadhay dad farabadan oo u bada qoomiyadaha kale ee itoobiya. 

Si kastaba ha ahaatee waxaa laga filayaa in dawlada itoobiya isbadal xal ah oo lagu dajinayo xiisadaha ka dhashay  Qabashadii Ina iley ay la iman doonto, Hadii kale, waxaa ka dhalan doona dhibaatooyin sii daba dheeraada iyo in ay is garabsadaan ururadii horey uga sii jiray dalka iyo kuwo ka dhashay kacdoonkan cusub.

 Qore: Ahmed Mohamed Ali