Shabaab badan oo la laayay kadib dilkii Taliye Suulnuug

Caad (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal dhanka cirka ah oo ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamiga ah oo xalay ka dhacay gobolka Mudug.

Duqeyntan oo daba socotay dagaal shalay ka dhacay aagga deegaanka Jeex-jeex, isla markaana lagu dilay Abaanduulihii Guutada 18-aad ee Gorgor Cabdi Maxamed Suul-nuug ayaa waxaa lagu laayay Al-Shabaab badan oo ku sugnaa meel u dhow Jeex-jeex.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in halkaas lagu dilay ugu yaraan 26 ka tirsanaa Al-Shabaab, xilli ay ku dhuumaaleysanayeen godadka ay ka qoteen hawd ku yaal halkaasi.

Dowladda ayaa sheegtay in duqeynta lala helay xubnahaasi xilli habeen ah, ayna kasoo baxeen godadka oo ay ku dhuumaaleysanayeen tan iyo shalay, kadib dagaal lagu qaaday.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa intaasi ku dartay in dagaalkii shalay ka dhacay aagga Jeex-jeex kooxda looga dilay illaa 50 ruux oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare, kadib duqeymo iyo dagaallo culus oo ka dhacay halkaasi.

Duqeynta ayaa mid kamid ah waxaa lala helay gaari Deyno ah oo ay la socdeen maleeshiyaad iyo saraakiil ka tirsanaa kooxda oo goonta lagu wada dilay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo weli laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobollada dhexe ee dalka.

Si kastaba, Mudug ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday howlgallo ballaaran oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka, kuwa Galmudug iyo dadka deegaanka.