Xasan Sheekh oo saxiixay sharci burinaya heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee burinta is-afgaradka dowladda Itoobiya iyo Maamulka Soomaaliland.

Sharcigaan waxaa ansixiyey Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii maalmo ka hor uu khudbad xasaasi ah ka hor jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay wakiilada shacabka Soomaaliyeed ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare doorka taariikhiga ah ee ay ka qaateen difaaca dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed iyo madaxbannaanida dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in sharcigan uu yahay mowqifka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sharcigaan uu farriin adag u yahay cid kasta oo naawilaysa in ay boobto dhulka, badda iyo hawada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed ugu baaqay in xoojiyaan midnimadooda marxaladdan taariikhiga ah.

Xasan Sheekh ayaa dalbaday in la kala saaro arrimaha siyaasadeed ee laga heshiin karo iyo arrimaha masiiriga ah ee taabanaya mustaqbalka ubadkeenna iyo jiritaankeenna.

Guddoomiyeyaasha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa madaxweynaha u gudbiyey sharcigaan waxayna goobjoog ahaayeen madashii uu ku saxiixay.