Taliyihii guutada 18-aad ee Gorgor oo lagu aasay Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee abaaduulihii guutada18aad ee Kumaandooska Gorgor Cabdi Maxamed Sheekh Xasan (Suulnuug) ayaa maanta aas loogu sameeyay magaalada Muqdisho, kaas oo ku dhintay dagaal ka dhacay gobolka Mudug.

Marxuumka ayaa waxaa maanta lagu aasay Qabuuro ku yaalla magaalada Muqdisho, ayada oo ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, saraakiil iyo boqolaal dadweyne ah.

Xilliga la dilayay taliyaha wuxuu hoggaaminayay howlgallada ka socda gobolka Mudug, isaga oo ku sugnaa deegaanka Jeex-jeex oo ah halka lagu toogtay.

Caasimada Online waxay xog ka heshay qaabkii loo dilay taliyaha, waxaana la hadalnay saraakiil ku sugneyd goobta dagaalka.

Ciidanka ayaa shalay weeraray dhufeysyo ay Al-Shabaab ka qoteen buurta Jeexjeex ee duleedka magaalada Caad, waxaana halkaas ka dhacay dagaal looga taag-roonaaday kooxda Al-Shabaab.

Ciidanku markii ay Shabaab ka saareen difaacooda ayaa la sheegay in taliyaha uu toogtay dagaalame Shabaab ah oo dhaawac looga tegay.

Xabad liif saar ah oo meel fog uu ka soo riday ninka dhaawacmay ee Shabaab-ka ahaa ayaa la sheegay in taliyaha ay uga dhacday meel u dhow wadnaha, dhaawacaas ayaa noqday mid culus.

Intaas kadib, ciidanka xoogga dalka ayaa dib uga baxay dagaalka, waxaana la qaaday dhaawacii Taliye Suulnuug, wuxuuna ku geeriyooday Shabeelow.

Dhaawaca Taliyaha waxaa loo sii waday Wisil, halkaas oo la doonayey in diyaarad Muqdisho ka soo baxday ay ka qaado, balse isaga oo meyd ah iyo dhaawaca askar kale ayaa laga qaaday Wisil.

Allaha u naxariistee Taliye Suulnuug wuxuu ahaa halyey ka tilmaamay fagaareyaasha dagaalka, waxaa jeclaa ciidanka uu hoggaamiyo, waxaana ka go’need in Al-Shabaab uu deg deg uga xoreeyo wadanka.