Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa haatan ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland oo berri si weyn loogu tartami doono.

Maanta waxaa ayaa waxaa la dhageysan doonaa khudbadaha musharraxiinta u tartameysa xilka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, ayada oo berrina ay dhaceyso doorashada guud.

Hoolka baarlamaanka waxaa haatan ku sugan illaa 22 musharrax oo barnaamijkooda wax qabad u jeedin doono xildhibaannada cusub ee Golaha Wakiilada Puntland.

Doorashadan ayaa waxaa ka qayb-galaya siyaasiiyin dhowr ah oo ay ku jiraan madax hore iyo kuwa cuusb oo haatan doonaya inay hoggaamiyaan maamul goboleedka Puntland.

Xubnaha tartamaya waxaa sidoo kale ku jira madaxweynaha haatan talada haya ee Saciid Cabdullaahi Deni oo loolankii ugu adkaa kala kulmaya mucaaradka oo isku baheystay sidii meesha looga saari lahaa, kadibna uu Puntland uga dhici lahaa isbeddal weyn.

Musharrax Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo kamid ah xubnaha maanta jeedinaya khudbadaha ayaa ka hadlay dareenkiisa, wuxuuna sheegay inay muddo dheer usoo dagaalameen in doorashada aysan dib uga dhicin waqtigeeda oo ah siddeeda January.

“Muddo ayaan kasoo shaqeyneynay in doorashada aysan dhaafin waqtigeeda, maanta waxaan leeyaha waa guul, Puntland waxay muujisay qaan-gaarnimo” ayuu yiri Maxamed.

Sidoo kale waxaa isna hadal kooban siiyay warbaahinta musharrax Axmed Ciise Cawad oo ah wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somalia, isaga oo kalsooni ka muujiyay doorashada.

“Faraxad ayay ii tahay waa fursad fiican waa sii wadida caadadii fiicneyd ee Puntland, markasta oo maamul waqtigiisa dhammaado siddeeda January ay dhici jirtay doorasho raalli la’iska yahay” ayuu yiri musharrax madaxweyne Axmed Ciise Cawad.

Si kastaba, Puntland ayaa haatan kasoo gudubtay xaaladdii adkayd ee hubanti la’aanta ahayd, taas oo ka dhalatay muranka daba dheeraaday ee hareeyay doorashada, kaas oo ugu dambeyn xal laga gaaray, ayadoo beri kama dambeys lagu kala bixi doono doorashada.