Al-Shabaab oo billaabay inay u iib keenaan Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha ammaanka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab ay kordhiyeen xoolaha baadda ah ee dadka laga qaato islamarkaana loo iib keeno magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo waa weyn oo ay ka taliyaan dowladda iyo maamul gobaleedyada.

Xubnaha amaanka ee aan la hadalnay ayaa sheegay in xoolo isugu jira Ari badan oo kumanaan ah, lo’ iyo geel ay Al-Shabaab usoo iib keenaan Muqdisho iyo magaalooyin kale. Xoolahaas ayaa si baad ah balse lagu sheegay Zakawaad waxaa looga qaadaa dadka ku nool goballada ay joogaan Al-Shabaab.

“Shaqsiyaad Al-Shabaab ah ama ganacsato iyo dalaaliin xiriir laleh, ayey usoo dhibaan xoolaha ay dadka ka qaataan waxaana lagu iibiyaa Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo, Afgooye iyo magaalooyin kale,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online islamarkaana aan qarinay magaciisa.

“Waqtiyo kala duwan ayaa sheegnay waxaana qabnaa in wax laga qaban doono, aniga hadda kuma dhahaayo waa kuwaan ama waa hebal iyo hebal, balse waa arin la hubo oo jirta,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya.

Dhowaan ayaa machadka Hiraal ee fadhigiisu yahay Muqdisho sheegay in Warbixin ay sameeyeen ku ogaadeen in Al-Shabaab ay soo galaan malaayiin lacag ah islamarkaana ay canshuurta ugu badan ka qaadaan goobaha ganacsiga iyo dhismooyinka Muqdisho.