Al-Shabaab oo dhexdooda ‘ku dagaalamay’ gobollada Jubbooyinka + Khasaaraha

Jilib (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal qaraar oo xubno ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab, saddexdii cishe ee lasoo dhaafay ku dhex-maray dhulka hoodka ah ee gobollada Jubbooyinka ee Jubbaland.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen horhooge lagu magacaabo Ismaaciil Baarow oo ka gadooday kooxda iyo xubno kale oo wadada u galay.

Sarkaalkan oo ay la socdeen maleeshiyaad kale ayaa dagaal kula galay xubno kale oo ka tirsan Al-Shabaab deegaanka Yaaq Shabeel oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe, sida ay shaaca ka qaaday warbaahinta dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dagaalkaasi.

Warbaahinta qaranka ayaa ku warrantay in xubno kale oo ka tirsan Al-Shabaab ay isku dayeen inay dilaan sarkaalka baxsadka ah, balse uu iska difaacay.

Wararka ayaa intaasi ku daray in dagaalkan ay ku dhinteen illaa 10 ka tirsanaa kooxda dhexdeeda, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 20 kale, sida warisay warbaahinta dowladda.

Xaalada ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in xubno kale oo gurmad ah ay ka baxeen dhanka degmada Jilib, kuna sii jeedaan aagga lagu dagaalamayo, waxaana warbaahinta qaranka ay shaacisay in xubnaha weerarka qaaday ay si gaar ah u hoostagaan Mahad Karataay oo kamid ah sarakiisha sar sare ee kooxda Al-Shabaab.

Dhowaan ayey aheyd markii uu degmada Jilib uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya dagaal-yahano ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab.

Dagaalkaas ayaa yimid kadib markii dagaal-yahaano ka tirsan kooxda ay weerareen guriga horjooge sare oo ka tirsan ajaanibta ka barbar dagaalanta kooxda, kaasi oo lagu magacaabo Jaabir, oo kamid ah horjoogayaasha ajaanibta ee saameynta ku leh Shabaab.

Todobaadkii hore ayaa sidoo kale xubno ka tirsan Shabaab ay ku dagaalameen deegaanka Bidde Ciise oo hoostago degmada Ceeldheer, kaas oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac.

Si kasababa, dagaalladan ka dhex-qarxay Al-Shabaab ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan kooxda ay wajaheyso guluf dagaal oo uga imaanayo dowladda dhexe iyo dadka deegaanka.