Sawirro: Ra’iisul Wasaaraha Japan oo qarax lagu weeraray

Tokyo (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Japan Fumio Kishida ayaa laga soo saaray goob fagaare ah, ka dib markii lagu tuuray wax u muuqday bam qiiq ah.

Qof ayaa lagu xiray goobta oo ku taal Wakayama, halkaasoo lagu waday in Mr Kishida uu khudbad ka jeediyo, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Qof goobjooge ah ayaa sheegay in ay arkeen qof wax tuuraya, kadibna uu qiiq ka baxay

Sidoo kalwle ayaa sheegay in ay maqleen jug weyn. Wax dhaawac ah lama soo sheegin.

Booliska ayaa sheegay inay qof u qabteen falkaas, balse ilaa hadda way ka gaabsadeen inay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan.

Warbaahinta Japan, NHK, ayaa ka soo xigatay Mr Kishida in uu yiri “qarax weyn” ayaa ka dhacay goobta.

Booliska ayaa baaraya qaraxa iyo waxa uu yahay, laakiin waxaan jeclaan lahaa inaan raaligelin u diro dadkii goobta isugu yimaaday ee ay dhacdada saameysay..” ayuu raaciyay.

Horay waxaa sidaan oo kale waxaa toogasho loogu dilay ra’iisul wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe, kadib markii la dilay isaga oo ku sugan goob uu markaas ka socday olole doorasho.