Al-Shabaab oo fagaare ku toogtay Maxamed Sidiiq

Garbahaarey (Caasimada Online) – Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay ay toogasho ku dileen Maxamed Sidiiq Xuseen oo ay ku eedeeyeen inuu ahaa Sixiroole, sida ay shaacisay maxkamad hoostagta kooxdaasi.

Fagaaraha lagu toogtay marxuumka oo ku yaalla deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo ayaa waxaa ku sugnaa xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo dadweyne fara badan.

Qaadiga maxkamadda Al-Shabaab oo goobta ka aqriyey xukunka dilka ah ee lagu fuliyey ninkaasi ayaa sheegay inuu qirtay dambiga lagu soo eedeeyey, islamarkaana uu dhibaato weyn ku hayey qeybaha kala duwan ee bulshada, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in muddo sanad ah uu ku shaqeysanayey Sixirka, si uu dadka ugu dhibaateeyo.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa deegaanada ay gacanta ku hayso ee koonfurta iyo bartamaha dalka ka fulisa xukuno u badan dilal toogasho ah.

Si kastaba ragga ay toogashada ku fulisay Al-Shabaab ayaa u badan kuwo ay ku eedeysay inay ahaayeen basaasiin u shaqeeya dowladda Soomaaliya iyo dalalka shisheeye.