Dowlada Itoobiya oo digniin cusub u dirtay ururka ONLF

Addis Ababa (Caasimada Online) – Guddiga Doorashooyinka dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay inay tirtireen shahaadada xisbinimadooda, kuwaasi oo kamid ahaa xisbiyada siyaasada ee ka jira dalkaas oo hore aqoonsi u haystay.

Xisbiyada la tirtiray ayaa la sheegay inaysan buuxin shuruudaha jiritaankooda, taasi oo keentay in guddiga doorashooyinka Itoobiya uu gebi ahaanb meesha ka saaro.

Guddiga ayaa sidoo kale digniin u diray 12 Xisbi oo ay sheegtay inay ka dhiman yihiin shuruudihii loo baahna, iyada oo digniin u dirtay inay sida uga dhaqsaha badan usoo buuxiyaan, ka hor inta aan laga gaarin go’aan.

Xisbiyada digniinta loo diray ayaa waxa kamid ah ururka caanka ah ee ONLF ama Jabhadda xoraynta Ogaadeeniya – (Ogaden National Liberation Front), kaasi oo waayi kara xisbinimadiisa haddii uusan buuxin shuruudaha ka dhiman, sida uu sheegay guddigu.

Sidoo kale waxa kamid ah xisbiyada la tirtiray ee uu guddigu sheegay inaysan buuxin shuruudihii looga baahna laba xisbi oo ka jira deegaanka Soomaalida, kuwaas oo kala ah; Xisbiga Waddaniga ah ee Soomaalida – (Somali Patriotic Party: SPP) iyo Xisbiga Midowga Dimuqraaddiga ah ee deegaanka Soomaalida – (Somali Regional Democratic Union: SRDU).

Guddiga ayaa waxa kale oo ay ku dhawaaqeen liiska 40 xisbi oo ay sheegen inay buuxiyeen shuruudaha xisbinimo, kuwaas oo safka hore kaga jiro xisbi siyaasadeedka cusub ee uu dhawaan aas-aasay ra’iisal wasaare Abiy Axmed ee lagu magacaabo xisbiga Barwaaqada – (Prosperity Party: PP).

Liiskan ayaa sidoo kale waxa kasoo dhex muuqday hal xisbi oo Soomaalidu ay leedahay oo lagu magacaabo ‘Xisbiga dimuqraaddiga ah ee Soomaali galbeed – (Western Somali Democratic Party).