Al-Shabaab oo gubay gaari dameero raashin u waday degmo go’doosan + Sawirro

Baydhabo (Caasimada Online) – Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay gubeen oo ay dab xoogan qabad-siiyeen gaari Dameero raashin waday, kuna sii jeeday degmada Waajid oo ka tirsan gobolka Bakool oo ay horey u go’doomiyeen.

Wararka ayaa sheegaya in illaa sagaal gaari Dameer ay gubeen xoogaga Al-Shabaab, iyaga oo u galay duleedka degmadaasi.

Gaari Dameerada la gubay ayaa sidday raashin noocyo kala duwan leh, waxayna ku socdeen gudaha magaalada, si ay u gaarsiiyaan raashinkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya inay goobta ka baxsadeen, iyaga oo nabad qaba dadkii waday raashinkaasi, ka hor inta aysan soo gaarin Al-Shabaab.

Dhinaca kale ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 60-aad ayaa gurmad u tegay halkaasi, iyaga oo dagaal la galay kooxda Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo soo bandhigay gaaari Dameerada la gubay ayaa sheegay in falkaas kadib ay khasaare gaarsiiyeen dagaalyahanada Al-Shabaab, kadib markii ay kula dagaalameen inta u dhexeysa degmooyinka Waajid iyo Xudur ee Bakool.

Ma’ahan dhacdadan mid ugub ah, waxaana in muddo ah Al-Shabaab ay go’doon ku heysay Waajid iyo deegaanada hoos yimaada, iyada oo arrintaasi saameysay dadka shacabka ah.

Bakool ayaa ka mid ah gobollada dhaca koonfurta dalka, isla-markaana ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab oo weeraro ka fulisa qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.