Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duleedka KISMAAYO

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab saacadihii lasoo dhaafay ku qaadeen saldhig ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo ee  gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah, kaas oo ka dhacay deegaanka Baarsanguuni oo ay ku sugan yihiin ciidamada daraawiishta ee Jubbaland.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay is-weydaarsanayeen labada dhinac, wuxuuna dagaalka socday muddo saacado ah.

Ugu yaraan hal askari ayaa ka dhintay weerarkaas, halka uu ku dhaawacmay mid kale oo ka tirsanaa isla ciidamada daraawiishta ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo halkaasi, isla-markaana ay ku sugan yihiin ciidamada Jubbaland oo howl-gallo wada.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka ee Jubbaland oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah ku qaada saldhigyada ciidamada huwanta ee ku yaalla gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.