Dib u dhaca doorashada oo si lama filaan ah saameyn weyn ugu yeeshay Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhowr jeer dib u dhacay doorashooyinka Soomaaliya, waxaana dhaqan-geli waayay inta badan jadwal doorasho oo horay loo soo saaray, ayada oo keliya la doortay inta badan xildhibaanada Aqalka Sare.

Waxaa weli si rasmi ah u caddeyn goorta la billaabayo doorashada Golaha Shacabka iyo in la asteeyo tan madaxweynaha xilliga la qabanayo, waxayna dib u dhacyada doorashooyinka saameyn xoogan ku yeeshen caasimada dalka ee Muqdisho, gaar ahaan dhaqaalaha iyo ganacsiga magaalada.

Sida ay baahisay idaacada VOA-da waxa uu wal wal hor leh soo foodsaaray ganacsatada magaalada Muqdisho, kuwaasi oo qaarkood sidii hore aan dalka dibadiisa uga soo dhoofsan shixnado ganacsi.

Qaar kamid ah ganacsatada dalka ayaa sheegay in bilihii u dambeeyay ay dareemayen saameyn xaga dhaqaalah ah oo doorashooyinka dhowr jeer dib u dhacay ku yeeshay ganacsigooda.

Cali Maxamed Cismaan oo ah aqoonyahan bartay dhaqaalaha oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa asaguna sheegay in doorashooyinka dib u dhacyada ku yimid ay saameyn ku yeeshen maalgashigii dalka.

“Doorashooyinka cakiran iyo is-mari-waaga siyaasadeed waxay saameyn taban ku yeelatay qeybta maalgashiga ee hoostagta ganacsiga, haddii ay ahaan laheyd shaqsiyaad lacag haysta, qurbajoog dalka dib ugu soo noqon laheyd iyo shirkado kale oo caalami ah ma doonayaan inay maal-galiyaan xiligaan la joogo sababo la xiriira hubanti la’aan meesha taalla,” ayuu yiri Aqoonyahan Cali Maxamed.

Hubanti la’aanta ka jirta dalka ayaa waxay wal wal xoogan ku abuurtay ganacsatada iyo maalgashadayaasha, taasi oo hoos u dhac u weyn ku keenaysa ganacsiga dalka.

Si kastaba, Arrimahaan oo dhan ayaa waxay imanayaan xilli uu khilaaf siyaasadeed u dhexeeyo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday iyo ra’iisul wasaaraha, oo isku seegay gacan ku haynta doorashada iyo awooda dalka.