AL-SHABAAB oo gudaha Itoobiya ka dagaalameysa

Afhdeer (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay taariikhda ka dagaalantay gudaha dalka Itoobiya, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Ilo-wareedyo amni oo ku sugan gobolka Soomaalida ee Itoobiya ayaa sheegay in Al-Shabaab iyo ciidamada Liyuu Boolis ay ku dagaalameen qeybo ka mid ah gobolka.

Al-Shabaab ayaa galay gobolka Arbacadii kadib markii ay weerar ku qaadeen deegaanada Caato iyo Yeed ee xuduudda Itoobiya balse ka tirsan gobolka Bakool ee Soomaaliya, kadibna ay usii gudbeen Itoobiya. 

Gelitaan Al-Shabaab ee Itoobiya ayaa waxaa sidoo kale xaqiijiyey ururka ONLF oo soo saaray bayaan ay ku sheegeen in Al-Shabaab ay falal argagixisio ka gaysteen qeybo ka mid ah gobolka Soomaalida. 

Waxaa Arbacadii oo ahayd 20 July 2022 dhacay fal argagixiso oo ay ka gaysteen ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab deegaano ka tirsan gobolka Af-dheer oo ku yaalla xuduudda Soomaaliya la wadaagto deegaanka Soomaalida. Dagaalkaas oo ku soo fiday gudaha deegaanka Soomaalida gaystayna khasaare naf iyo maalba leh,” ayaa lagu yiri bayaanka ONLF.  

“Haddaba ONLF waxay cambaaraynaysaa Falkaas fooshaxun ee lagu soo qaaday dadka iyo deegaanka Soomaalida. Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya waxay ku boorrinaysaa xubnaha iyo taageerayaasha JWXO iyo shacab waynaha deegaankuba inay garab istaagaan hay’adaha ammaanka.” 

Dhinaca kale, warar kale ayaa sheegaya in Caato ay hayaan Liyuu Boolis, taasi oo ka dhigan in kasta oo Shabaabka ay ku jiraan Itoobiya, haddana labada dhinac laga jiro. 

Al-Shabaab ayaa shalay soo bandhigay sawirro muujinaya khasaaraha ay ku gaysteen dagaalka xuduudda, waxayna sheegteen inay ku dileen 87 ka tirsan ciidanka Liyuu Boolis, inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.