Saddexda madaxweyne ee Soomaaliya ee la isku dayay in la dilo iyagoo xilka haya

Tan iyo markii ay kooxaha Islaamiyiinta ah billaabeen weerarrada ay ka fuliyaan Soomaaliya waxaa dadka ay bartilmaameedsanayeen ku jiray madaxda ugu sarreysa dowladda.

Marar kala duwan ayay u suurtagashay in ay khaarijiyaan mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan goleyaasha dowladda.

Laakiin, waxaa jiray dhowr jeer oo ay xitaa isku dayeen in ay dilal u gaystaan madaxweyneyaashii Soomaaliya qaar. Saddex madaxweyne oo xilka hayay ayaa ka badbaaday isku day dil oo mararka qaar ay halis wayn ku galeen.

Cabdullaahi Yuusuf Axmed

Cabdullaahi Yuusuf Axmed – oo Soomaaliya madaxweyne kasoo noqday intii u dhaxaysay 14-kii bishii Oktoobar ee sanadkii 2004 ilaa 29-kii bishii Diseember ee sanadkii 2008 – ayaa labo jeer ka badbaaday isku day dil oo lagu damacsanaa in lagu khaarijiyo.

Qof kaxaynayay gaari ay ku jiraan waxyaabo qarxa ayaa 18-kii Sebteembar ee sanadkii 2006 isku qarxiyay bannaanka hore ee dhismaha fadhiga u ahaa baarlamaanka ee magaalada Baydhabo.

Qaraxaas iyo israsaasayn daba socotay waxaa ku dhintay 11 qof oo uu ku jiray madaxweynaha walaalkiis. Hase yeeshee,

Cabdullaahi Yuusuf oo xilligaas goobta ku sugnaa ayaa ka badbaaday weerarka. Waxaa jiray weerar kale oo lagu qeexay isku day kale oo lagu beegsanayay madaxweynaha.

Koox la tuhusan yahay inay Islaamiyiin yihiin ayaa 1-dii bishii June ee sanadkii 2008 hoobiye ku weeraray diyaarad uu saarnaa madaxweynihii dowladdii ku-meel-gaarka ahayd, Cabdullaahi Yuusuf.

Balse ma jirin cid wax ku noqotay weerarkaas, diyaaraddana wax burbur ah kama soo gaarin.

Shariif Sheekh Axmed

Madaxweyneyaasha la beegsaday waxaa kale oo ka mid ahaa Shariif Sheekh Axmed oo 31-kii bishii Jannaayo ee sanadkii 2009 xilka kala wareegay Cabdullaahi Yuusuf, hoggaanka dowladdana hayay ilaa 20-kii bishii Agoosto ee sanadkii 2012.

Dhow bil ka hor intii uusan xilka wareejin oo ku beegneyd 29-kii May ee sanadkii 2012, ayuu Shariif Sheekh Axmed ka badbaaday isku day dil oo lala damacsanaa.

Dablay la tuhunsan yahay in ay Al-Shababaab ka tirsanaayeen ayaa weerar ku qaaday kolonyo gaadiid ah oo uu madaxweynuhu la socday, xilli ay marayeen duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, sida ay tebisay warbaahinta maxalliga ah.

Ugu yaraan hal askari ayaa lagu soo warramay inuu ku dhintay weerarkaas, halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha hadda xilka haya ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhowr jeer isku dayo dil ka badbaaday intii uu xilka hayay dowrkii hore ee uu beddelay Shariif Sheekh Axmed.

Aragtida Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu daabacay wargayska “The Economist” ayuu ku sheegay saddex jeer oo uu ku sigtay in la dilo.

“Waxaan ka badbaaday ugu yaraan saddex isku day oo lagu doonayay in la igu dilo,” ayuu yiri madaxweynaha.

Isagoo sii faahfaahinaya ayuu intaas ku daray: “Saddexda jeerba waxay ahaayeen waqtigii hore ee aan madaxweynaha ahaa [intii u dhaxaysay 16 September 2012 – 16 February 2017].

“Isku daygii ugu horreeyay wuxuu dhacay maalintii ugu horraysay ee aan xafiiska imid; midka labaad wuxuu dhacay anigoo u socda masjid ku dhex yaalla xarunta madaxtooyada; midka saddexaadna wuxuu dhacay anigoo ku jira safar aan ugu socday magaalada Marka, oo aan ka xoraynay Al-Shabaab.”

Weerarka ugu horreeyay ee uu Xasan Sheekh ka hadlay, oo ahaa qarax ka dhacay hoteelka Jasiira, waxaa lagu beegay xilli uu madaxweyna la shirayay mas’uuliyiin shisheeye ah.

Waxaa mas’uuliuuunya goobjoogga ahaa ka mid ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Kenya, Sam Ongeri.

Waxaa la shaaciyay muuqaal laga arkayay madaxweynaha oo isagoo hadlaya ay jugta qaraxa dhacday, una muuqday inuu gabbaday.

Tan iyo markii Xasan Sheekh Maxamuud xilka loo dhaariyay markii labaad, waxa uu ku celcelinayay in uu Al-Shabaab dagaal la geli doono, uuna qorshaynayo sidii uu uga guulaysan lahaa.

Xigasho: BBC Somali