Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Al-Shabaab iyo ciidamada LIYUU BOOLIS

Hargelle (Caasimada Online) – Waxaa weli socda dagaalo goos goos ah oo u dhaxeeya ciidamada Liyuu Boolis iyo Al-Shabaab ay ka socdaan deegaano kamid ah dhulka Soomaalida Itoobiya.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Liyuu Booliis ayaa sheegay in deegaanno hoostaga degmada Hargelle, Gobolka Afdheer ee dowlad-deegaanka Soomaalida lagu go’doomiyay dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab oo hub iyo gaadiid wata.

Hoggaanka sare ee Dowlad-Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu socdo balse ma sheegin khasaaraha ka dhashay dagaalladii ugu dambeeyay ee labada dhinac dhexmaray iyo midka goos gooska ah ee socda.

Qaar kamid ah Dadka ku nool deegaannada ay ka socdaan dhaqdhaqaaqa ciidan ee hoostaga degmada Hargelle ayaa billaabay in ay guryahooda isaga barakacaan iyagoo ka cabsanaya inuu xoogeystay dagaalka u dhaxeeyo Al-Shabaab iyi Liyuu Booliis.

Laamaha ammaanka oo guulo ka sheegtay dagaalka ayaa sidoo kale sheegay in ilaa intii uu socday dagaalka ay Al-Shabaab ka carareen 16-gaadiid oo ay wateen. Al-Shabaab oo dhankooda soo bandhigay Sawirada dagaalka ayaa sheegay inay ciidamada liyuu boolis ka dileen in ka badan 87 Askari, isla markaana degaano dhowr ah ay ka qabsadeen.

Sida ay dadka deegaanka u xaqiijiyeen ciidamadii Al-Shabaab ka tirsanaa ee weerarka soo qaaday ayaa ku sugan meelo aan ka fogeen deegaanadii ay weerarka kusoo qaadeen, waxaana laga cabsi qabaa inuu dagaalka sii xoogeysto.

Dagaalada ayaa ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab oo wata gaadiidka dagaalka noocyadooda kala duwan ay weerareen degaano ku yaalla dowlad degaanka, waxaana dagaalada ka dhashay dhimashada in ka badan 100 ruux tiro ka badana waa ay ku dhaawacmeen.

Madaxweynaha Dowlad-Deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cagjar ayaa ciidamada ammaanka faray in ay feejignaan ka galaan weerarada Al-Shabaab isla markaana ay sameeyaan howlgallo ka dhan ah Shabaab.

Ilaa haatan ma jirto mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Itoobiya oo si rasmi ah uga hadlay weerarka Al-shabaab ay ku ekeyeen dowlad degaanka Soomaalida.

Balse waxaa cambaareyay mas’uuliyiinta ururada iyo Xisbiyada Mucaaradka sida ONLF iyo Xisbiga Xorriyadda iyo Sinnaanta.

Dagaalkaan ayaa ku soo aadaya xilli uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya dhawaan ku dhawaaqay in Xukuumaddiisu muhiimad gaar ah siineyso dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab, si loo furo waddooyinka muhiimka u ah gargaarka iyo isu-socodka.