Xog: Shaqsiga loo wada xilka ra’iisul wasaare ku-xigeenka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa lagu wadaa inuu xilka ra’iisul wasaare ku-xigeenka u magacaabo agaasimihii Dahabshiil ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, sida ay ogaatay Caasimada Online. 

Xasan Cabdi Cawad ayaa dhowaan iska casilay xilkii uu ka hayey shirkaddan, waxaana lagu beddelay Cumar Xasan Yoolac, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Dahabshiil. 

Waxaan aad ugu faraxsannahay inaan la socodsiino macmiisha shirkadda ku xidhan in xafiiskayaga Dahabshiil Group ee Koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya uu hogaaminayo Cumar Xasan Yoolac. Waxaan u mahadcelineynaa shaqaalah shirkada hore ula shaqayn jiray ee uu ka mid yahay Xassan Cabdi Cawad,” ayaa lagu yiri bayaanka Dahabshiil.  

Haddii xilkan loo magacaabo Xasan Cabdi Cawad, sida la filayo, waxay ka dhigan tahay in shirkaddan ay saameyn weyn ku dhex yeelan doonto dowladda federaalka. 

Intii lagu guda jiray ololaha doorashada, Dahabshiil ayaa si weyn u taageertay dhaqaalena ku bixisay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, dadaalkaas oo aan miro-dhalin.

Dhinaca kale, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in ra’iisul wasaare ku-xigeenka xilka ka degaya ee Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar uu dadaal xooggan ku bixiyey inuu kursigiisa sii haysto, balse uu ku guul-darreystay. 

Dowladda Xasan Sheekh iyo Xamza oo la filayey inay ku bataan xulufadooda ayaa waxaa si yaab leh hadda u xoogeysanaya suurta-galnimada ah inay soo galaan shaqsiyaad aan horey wax ugu darsan, oo xitaa ay ku jiraan xubno Nabad iyo Nolol ah. 

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socdo ku dhowaaqo golaha wasiirada.