Al-Shabaab oo gudaha u gashay Balcad iyo wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka

Balcad (Caasimada Online) – Faahfaahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo ay saaka aroortii hore Al-Shabaab ku qaaday degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo uu xigay dagaal toos ah.

Weerarka ayaa bilowday abaare 5:00 subaxnimo, waxaana maleeshiyada Al-Shabaab ay beegsadeen fariisimaha ciidamada, kadibna waxaa sidaas ku qarxay dagaalka.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda weerarka qaaday ay u suurtagashay inay gudaha u galaan qaybo kamid ah degmada, waxaana lasoo wariyay inay tageen saldhigga Balcad, ayna sii daayeen tiro maxaabiis ah oo ku xirnaa halkaasi.

Waxyar kadib, waxaa sidoo kale degmada gaaray ciidamo gurmad ah, iyadoo isla markiiba magaalada laga saaray Shabaabkii soo weeraray, waxaana hadda degmada si buuxda gacanta ugu haya ciidamada dowladda Soomaaliya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay cashar u dhigeen xubnaha Al-Shabaab ee saaka weeraray degmada Balcad.

“Ciidamada ayaa saakay cashar lama ilaawaan ah u dhigay maleeshiyaadka Khawaarijta oo saakay salaaddii subax soo weeraray fariisimmo ay ciidamadu ku leeyihiin duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayaa aagga degmada Balcad oo saaka gashay xaalad adag.

Shabeellaha Dhexe waxaa haatan xoogga saaray Khawaarijta, iyada oo labadii toddobaad ee ugu dambeysay weerarro culus ka fulisay deegaanno ka tirsan gobolkaas.